Wednesday, September 15, 2010

Ciidamada Galmudug iyo kooxo hubeysan oo isku rasaaseeyay Galinsoor.

Israsaaseen sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo kooxo hubeysan waxa ay ku dhexmartay maanta inta u dhaxeysa degada Galinsoor iyo deegaanka Bandiiradleey, iyadoo halkasi ay ku dhaawacmeen ilaa 4-qof.
 
Dhaawaca afarta ruux ayaa timid ka dib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad jidgooyo dhigtay wadada isku xirta Galinsoor iyo Bandiiradleey kuwaasi oo mudooyinkii dambe dhibaato ku haayay dadka iyo gaadiidka ku safra wadadaasi.

3-ka mid ah dhaawaca ayaa waxa ay ahaayeen maleeshiyaadka jidgooyada dhigtay halka midka kalena uu ahaa mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Bandiiradleey oo raasaasta ay ugu tagtay gurigiisa.

Afhayeenka ciidamada Maamulka Galmudug Nuur Xasan Xuseen (Nuur Ganeey)ayaa saxaafadda waxa uu sheegay in  ciidmada maanta howlgalka ka sameeyay inta u dhaxeeysa Galinsoor iyo Bandeeradleey ay ku guuleysteen in kooxihii hubeysnaa ay jidgooyada ka qaadaan.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Maamulka goboleedka Galmudug Nuur Xasan Xuseen Nuur Ganeey waxa uu sheegay in ciidamada aysan ku guulaysanin in ay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii jidgooyada halkaasi u taalay balse ay ku raadjoogaan goobihii ay u carareen.

Howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada amaanka ee Maamul goboleedka Galmudug ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen cabasho ay muujinayaan darawalada ku safarta inta u dhaxaysa Magaalada Gaalkacyo iyo degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan maleeshiyaadka jidgooya dhigatay halkaasi


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News