Wednesday, August 18, 2010

Xukuumadda Somaliland oo Guddi u Saartay SSC


Waxa madaxwaynuhu Guddidaa uu magacaabay faray in ay ka soo talo bixiyaan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

Hargeysa (Jam)- Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa guddi culus u saartay inay ka soo tallobixyaan sidii loo waajihi lahaa xal ka gaadhista dhibatooyinka ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolada bariga Somaliland oo iska hor imaado ku dhex mareen ciidanka qaraanka iyo kooxo hubaysan oo ka soo jeeda deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyo Buuhuudle.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa guddida madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban sided xubnood oo ay ku jiraan lix wasiir, guddoomiye-ku-xigeenka 2aad wakiillada iyo siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde, waxa guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.
Warsaxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu magacaabay Guddi ka soo tala bixisa Su’aasha Gobolada Bari.
Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.
Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane: Dr: Maxamed Cabdi Gaboose.
Waxanay kala yihiin Xubnaha Guddidu: -
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
2. Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga; Md. Axmed X. Cali Cadami
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada; Md. Maxamuud Xaashi Cabdi
4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed
5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe
7. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo
8. Md. Fu’aad Aadan Cadde.”




Source: Jamhuuriya Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News