Sunday, August 15, 2010

Xisbul Islaan oo Aabe iyo Caruurtiisa ka kaxeystay guri ay ka deganaayeen Afgooye

Kooxda Ururka Xisbul Islaan ee degmada Afgooye ayaa Aabe iyo Caruur uu dhalay waxaa ay ka kaxeysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasi oo la sheegay in mudo sedax maalin ah ay ku xiranyihiin degmada Afgooye.
Mamaulka mayalka adag ee horboodo ururka Xisbul Islaan ee degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose ayaa xabsiga u taxaabay Xaaji Jeylaani Maclin iyo sedax Caruur ah oo dhalay kaasi oo asiga iyo caruurtiisa guriiigiisa oo ku yaala xaafada siigaale ee degmadaasi ay kala baxeen ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Xisbul Islaam.
Ilaa iyo hadda lama ogga sababta rasmiga ah ee ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ay u haystaan wadaadkaasi iyo sedaxda caruur ee uu dhalay kuwaas oo maalintii sedaxaas ku xiran xabsi ku yaala degamadaasi.
Xaaji Jeelaan Macalin ayaa mararbadan oo hore ciidamada Xisbul Islaan waxaa ay kala baxeen Masjid ku yaala degmadaasi iyadoo wadaadkaasi uu haa wadaad dhirta ku daaweeya dadka islamarkaan si weyn ay u wada garanayeen shacabka ku dhaqan degmada Afgooye aadna ay iga xumaadeen si arxan darada ah ee uu Xisbugu ula dhaqmo culimada waawayn ee deggen magaalda Afgooye e G/Shabeelaha Hoose.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News