Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, August 19, 2010

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland oo xog dheeriya laga helay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa la helay cadeeyn muujineysa sababahii ku kalifay inuu idaacadda iyo telefishinka qaranka ka joojiyo barnaamijkii Neecaawda Ramadaanka iyo Nabi amaanada.


Wasiir Khaliil Abdillahi wuxuu u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan ARAB,waxay ilmo adeer yihiin Amiirka Al Shabaab Ahmed Godane,sidoo kalena Taliyaha Ilaalada Ahmed Godane waa wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mohamed Khaliil Abdillahi.
Wasiir Khaliil waxay Sirdoonkii Xukumadii Dahir Reyale Kahin xaqiijiyeen inuu wiilkiisa u diray Koofurta Somalia sanadkii 2006.
Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Somaliland ayaa Waagacusub ugu xog waramay inay hayaan cadeeymo ka marqaati kacaa in 18 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda cusub ee Siilaanyo ay yihiin Al-Shabaab.
Wasiir Khaliil waxay Sirdoonka ogaadeen inuu Ahmed Godane todobaadkiiba ugu yaraan laba jeer la hadlo,waxaa kale oo telefoon ka soo waco wiilkiisa Mohamed.
Khaliil wuxuu leeyahay ganacsiyo yar yar sida dukaan lagu iibiyo waxyaabaha dharka lagu dhaqo,wuxuuna noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee cadeeystay caqiidadiisa Al-Shabaab.
Wargeysyadda ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray amarka uu Wasiir Khaliil Abdillahi ku joojiyay barnaamij uu toban sanadood akhrinayay Sheekh Ahlusuna ah.

Wargeysyadda qaar ayaa calaamad su,aal saaray awooda Wasiirka diinta siineyso inuu joojiyo shaqooyin ay sharciyan leedahay Wasaaradda Warfaafinta.

Barta Google news ee wararka Caalamka laga dheegto ciwaano wareedyada soo fuulay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa ugu xiiso iyo yaab badnaa 'REER GALBEEDKA OO KA WALAACSAN ALSHABAAB LA WAREEGAY TALADDA SOMALILAND"

Si kastaba ha ahaatee,Xukumadda Siilaanyo waxay god ku rideen dimoqoraadiyadii loogu codeeyay ee Somaliland,waxayna Somaliland labaatan sano kadib halkii laga sugayay horumar iyo aqoonsi ay ka hesho Caalamka u muuqataa gayi colaad diimeed.

Source: Waagacusub


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News