Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, August 19, 2010

Xisbul Islaam oo is hortaag ku sameeyay gudi u istaagay Afrurinta dadka Sooman.


Ururka Xibul islaan ayaa maant hor istaag ku sameeyay gudi loo xilsaaray afurint dadka tabaalaysan, iyagoona mudo kooban ay kuhayeen saldhiga ciidamada Xisbul Islaan ee deeganka Ceelasha biyaa ee duleedka magaalad Muqdisho.
Ciidamdo ka tirsan kuwa Ururka Xisbul Islaan oo ku hubaysanaa mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ayaa maanta waxaa ay is hortaag ku sameeyeen gudi loo xilsaaray afurinta dadka danyarta ah oo maant howlo afurin ah ka waday Kaamam ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalad Muqdisho kuwaas oo ay ku noolyihiin dad naafo ah oo iyagu aan awoodin in tasiilaadka nolol maalmeedkooda.
Mid ka mid ah wariyeyaal muddo kooban gacant ugu jiray Ururka Xisbul Islaan islamarkaana diiday in magaciisa la sheego sababo dhinaca amaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Xisbul Islaan ay si xun ula dhaqmeen mudadii koobneeyd ee ay ku hayeen saldhiga ay ku leeyihiin Ceelasha biyaha, isagoo intaasi ku daray in Sheekh Yuusuf ay ciidamadu qoryo ku qabteen islamarkaana uy ku yiraahdeen hadalo kul kulul.
Maaha markii uguhoraysay oo ay kooxahan ka dagaalama koonfurta Soomaaliya ay xagar daamo iyo tacaddi u gaystaan masaakiinta naf la caariga ah ee kusoo qaxday Ceelsha Biyaha.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News