Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, August 2, 2010

Tahriibayaal Soomaali ah oo sacadihii la soo dhaafay gaaray dalka Yemen.

Wasaarada arimaha dugaha ee dowladda Yemen ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay gudaha dalkaasi Yemen ay gaareen tahriibayaal Soomaali ah oo kor u dhaafaya 30 ruux.
 
Tahriibayaashaani ayaa gaaraya 32 qof waxaana ay ahaayeen dad Soomaali ah oo ka tagay xeebaha gobolka Bari ee Maamulka Puntland, waxaana dowladda wadanka Yemen ay sheegtay in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen xeebaha Yemen kadib markii si tahriib ah ay ku galeen dalka Yemen.

Wasaarada arimaha guadaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in dadkaani oo gaaraya 32 qof oo Somali ah la gaarsiiyay xeebta Thoobab ee Gobolka Ta’iz ee dalka Yemen, waxaana dadkaan Tahriibayaasha Soomaalida la geeyay xerooyinka qaxootiga dalka Yemen.

 Dowladda Wadanka Yemen ayaa warbixin dhawaan ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Bishii July oo kaliya gudaha dalkeeda ay gaareen Tahriibayaal Soomaali ah oo kor u dhaafaya 500 ruux kuwaasi 175 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo caruur.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News