Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, August 5, 2010

Sirdoonka Maraykanka oo qabtay nin lala xariirinayo Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada sirdoonka wadanka Maraykanka ee FBI ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu gacan siinayay ururka AL Qaacida iyo kooxda gacan saarka ay leeyihiin ee AL-Shabaab oo ka dagaalama dalka Soomaaliya.
 
Shaker Masri oo heystay dhalasho dalka Maraykanka kuna noolaa magaalada Chicago ee dalkaas ayaa la qabtay xilli uu doonayay in uu u soo safro dalka Somalia si uu ugu qeyb galo dagaalada ka soconaya gudaha Somalia.

FBI-da Maraykanka ayaa sheegay in Shaker Masri uu doonayay inuu tago dalka Somalia si uu ugu mid noqdo dadka is ku qarxinaya halkaas, waxaana Shaker Masri da’diisa lagu sheegay 26 jir ku dhashay dalka Maraykanka, iyadoo haddii uu ku cadaado dambigan uu mutaysan doono ugu yaraan 15 sanno oo xabsi ah.

Eedeysane Shaker Masri ayaa u sheegay FBI-da Maraykanka labo todobaad ka hor inuu shaqo ka raadsan doonno bariga dhexe taasoo uu mushaaro badan ku helayo laakin FBI-da ayaa ogaatay inuu qorsheynayo inuu safar ku soo aado dalka Somalia.

Shaker Masri, ayaa lagu eedeeyay in uu qorsheynayay in tababaro uu kusoo qaato dalka Somalia isla markaana uu ka qeyb qaato dagaalada ka soconaya dalka Somalia, waxaana la sheegay in saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay uu qorsheynayay safar uu ku yimaado dalka Somalia.

Waxa uu ku dhashay Shaker Masri, gobolka Alabama waxa uuna cadeeyay inuu qorsheynayay qorshe is miidaamin ah marka ay da’diisu gaarto 30 sanno isagoo haatan 26 jir ah iyadoo xiligaasi ka hor uu doonayay in uu tababaro ku sii qaato dalka Somalia.

“inaan is qarxiyo waa arin aan waligey ku taamabayay, waxaana is qarixinayaa markii aan 30 sano gaari taasi waxaana u sameynayaa naceybka gaalada maadaama ay is qarxinta nacebyihiin”
Shaker Masri, ayaa doonayay inuu duulimaad ku tago magaalada Los Angels kadibna uu gaari kaga gudbo xadka Maraykanka uu la wadaago Mexico kadibna uu diyaarad ka raaco isagoo sii maraya dalalka Venezuela ama Panama kadibna uu halkaasi ugu sii gudbo bariga Afrika.

Wuxuu kaloo sheegay Shaker Masri, in u doonayay in marka uu tago bariga Afrika uu hub qiimihiisa lagu sheegay kun dollar uu u iibiyo xarakada Al Shabaab, isagoo sidoo kale safar ku tagi lahaa dalka Jordan halkaas oo uu ku macsalaamayn lahaa walaalihisa.

Ninkaan Shaker Masri, ayaa laga qabtay xaafadda Streeterville  ee magaalada Chicago halkas oo uu ku sugayay xiliga duulimaadka magalada Los Angels uu ku aadi lahaa isagoo qaldayay sirdoonka Maraykanka.

Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegay inay dhagaysteen cod wada sheekeysi Taleefan ah oo ay u soo direen hooyadisa iyo gabar uu qabay oo deganaa magaalada London kuwaas oo doonayay inay ka hor istaagaan duulimaadka uu ku tagayo dalka Somalia si uu ugu qeyb qaato dagaalada ka soconaya Somalia.

“nolosha iima qalanto aniga,maku raaxaysan karo, mana ku  raaxaysanin nolosha adduunka tan iyo markii ay gaartay  da’deydu 18 sanno sidoo kale nolosha waxbo iima tarin caruurnimadayda waxaana doonayaa inaan dib ugu laabto dalka Somalia si aan ugu qeyb qaaato dagaalada ka soconaya Somalia” ayuu u sheegay Shaker Masri, gabadha xaaskiisa ah isagoo kula hadlayay qadka Taleefanka.

Ciidamada sirodonka Maraykanka ayaa Duubay codka wada  hadalka Taleefanka ee uu la sheekaysanayay xaaskiisa 31 bishii tagtay ee July 2010 waxaana ilaalo ka hayay tan iyo markii laga duubay codkaan ilaa afar ka tirsan sirdoonka Maraykanka kuwaas oo la soconayay dhaq dhaqaaqyadiisa.

Shaker Masri, ayaa maxkamad kale lasoo taagi doonaa 9 bishan August hadii uu ku cadaado dambigana waxaa uu mutaysan doonaa xabsi u dhaxeeya 15 ilaa 30 sanno.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News