Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 1, 2010

Sanadguuradii 12-aad Ee Asaaskii Puntland Oo Laga Xusay Garoowe [Sawiro]

Munaasabad lagu maamusaayay sanadguuradii 12-aad ee kasoo wareegtay asaaska Puntland ee ku beegnayd sanadkii 1998-dii ayaa maanta lagu qabtey magaaladda Garoowe ee Caasimada Puntland.


Xuska munaasabada ayaa ka dhacdey barxadda Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Dawladda Puntland,waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyinta Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi,Kuxigenkiisa labaad Xaaji Xuseen Yaasin,Wasiiro kala duwan,Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Duqa magaaladda.

Garoowe,Haween,Dhalinyaro,Kooxo fanaaniin ah,Isimo,Aqoonyahano iyo martisharaf kala duwan.
Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay gabeeyo,buraanburo iyo weliba heeso oo ay ku luqeynayeen Abwaanin iyo fanaanin,waxaana ay dhamaantood ka tarjumayeen marxaaladihi ay soo martay Puntland tan iyo xilligii la asaasay.

Intaas ka dib waxaa goobtaa ka hadashay Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka mid ahayd 13-kii xubnood ee loo xilsaaray qaban qaabada munaasabada,waxaana ay faahfaahin ka bixisay qaabka ay isku dubarideen munaasabadaam iyadoo ay sheegtay in 1,500-qof dad gaaraya ay kasoo qaybgaleen maanta.

Marwo Caasho Geelle ayaa intaa ka dib ka hadashay oo ku dheeraatay waxqabadka Dawladda Puntland ee sanadkii lasoo dhaafay,waxaana ay ka xustay qodobadaan;
-Waxaa sanadkaan Dawladdu ku guuleysatay in ay markii ugu horeysay mideyso manhajyada dugsiyada,aqoonsiga shahaadada Jamaacadaha,mideynta imtixaanada guud iyo soo dabaalid deeqo waxbarasho jaamacadeed gudaha iyo dibada oo lagu maamusayay ardaydii ugu dadaalka badnayd ee dhamaystay dugsiyada sare iyo masuuliyinta dawlada Puntland.

-Waxaa Dawladdu gacan weyn ka geysatay gaarsiinta talaalka iyo fariimaha Caafimaadka dhamaan gobolada,tuulooyinka iyo miyig fog ee Puntland,sidoo kale waxaa dayactiro lagu sameeyey isbitaalada magaalooyinka waaweyn oo ay weheliyaan kobcinta tayada hawlwadeenada caafimaadka iyadoo lagu soo kordhiyey isbitaalada waaweyn Puntland dhalinyaro jaamacado kasoo dhameysay wadamada dibada oo dalkoodi hooyo dib ugu soo laabtay.

-Waxaa wax weyn laga qabtay maamulka maaliyadeed ee dawladda iyadoo la hirgeliyey canshuurada bariga oo lagu saleeyey tirokoob sugan lagu sameeyey guryaha ku yaal Puntland,waxaa la joogteeyey bixinta adeegyada iyo mushaaraadka shaqaalaha bil kasta iyadoo la sahlay hababka gudbinta xisaabaadka.

-Waxaa ay Dawladdu xoojisay wanaajinta xirrirka Caalamiga ah,la xisaabtanka hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah,xoojinta xirrirka jaaliyadaha Puntland ee dibada iyo gudaha iyadoo sanadkaan ay booqashooyin isdabajoog ah ku baxeen masuuliyin sar sare oo ka mid ah goleyaasha Puntland isla markaana ay Puntland ku yimaadeen masuuliyin madaxda jaaliyadaha Puntland ka mid ah.

-Waxaa barnaamijka horumarinta haweenka iyo qoyska lagu xirey dhamaan hay’adaha Dowliga ah,kuwa caalamiga ah iyo maxaliga ee ay shaqadoodu khuseyso iyadoo taya kordhinta,ismaamulka iyo iska warqabka la gaarsiiyey degmooyinka,dariseynta iyo unugyada xaafadaha.

-Waxaa ay dawladdu wax ka qabatay la dagaalanka Burcadbadeeda,tahriibta,kordhinta adeegyada guud iyo tayada kaluumaysatada iyadoo lagu xoojiyey qalab casri ah oo sahla kaydsashada.

-Waxaa ay dowladu u sameysay hay’ad u gaar ah oo daryeesha agoomaha,indhooleyaasha,ciidamada ku naafoobay dagaalada iyo garaad dhimanka hay’adaas oo wax weyn ka qabatay baahidooda ilaa heer gobol.




-Waxaa Dawladda Puntland fursado waxbarasho xirfadeysan oo ay ka mid yihiin makaanikada,korontada,cunto karinta,saxaafada IWM u fidisay ardayda dugsiyada dhigata oo gaaraya 1500.

-Dawladdu waxaa ay kaalin mug leh ka qaadatay xoojinta nabada iyadoo loo maraayo shirar guud iyo kuwo gaar,dhiiragelin siisay ururada iyo xoogaga nabada ka shaqeeya.

-Waxaa ay Dawladdu wax weyn ka qabatay joojinta xaalufinta degaanka sida ansixinta sharciga ilaalinta degaanka,la dagaalanka xirmooyinka gaarka loo leeyahay,samaysanka magaalaynta cusub,jarida dhirta,joojinta dhuxulaysiga isticmaalka ka baxsan,ilaalinta duurjoogta,wacyigelinta iyo dhiiragelinta dhireynta magaalooyinka iyo degaanada.

-Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay dayactirka joogtada ah ee jidadka magaalooyinka waaweyn iyo kuwa degaanada gaar ahaan xiliyada roobabku waxyeeleyaan jidadka,wax ka qabashada diiwangelinta gaadiidka IWM.

-Dawladdu waxaa ay dhiiragelisay kororka iyo tayaynta shirkadaha korontada,isgaarsiinta iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si ay uga qayb qaatan shaqosiinta iyo adeegyada bulshada.

-Dawladdu waxaa ay sameysay welina gacanta ku haysaa dhismaha goleyaasha degaanka,kuwaas oo soo kordhiyey horumar mug leh oo bulshadu u baahnayd sida wax ka qabashada nadaafada guud,barnaamijka xaafadeynta,dejinta barakacayaasha IWM.

-Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay iyo balaarinta garoonka diyaaradaha iyadoo garoomada qaarkood lagu kordhiyey xayndaab ka difaaca xoolaha iyo noolaha kale ee khatarta geliya diyaaradaha soo degaaya,tayeyn adeega garoomada sida handling service iyo dayactirka qaybta runwayga.

-Dawladdu waxaa ay wax ka qabatay nidaamka isgaarsiinta guud,xoojinta wadashaqaynta saxaafada iyo dawladda,tababarada saxaafada,ku hadlida codka dowlada iyo diyaarinta sharciga saxaafada,waxaana ay ku tala jirta in dhowaan ay hirgeliso idaacad iyo telefishin u gaar ah dawladda Puntland.

-Dawladu waxaa ay wax ka qabatay tirakoobka shaqaalaha,dhowrista hantida dawlada,maamul wanaaga iyo qiimeynta waxqabadka hayadaha dawlada.

-Dawladu waxaa ay ku guuleysatay dhisida rugta ganacsiga oo ganacsatada Puntland kusoo kordhisay xirfado casri ah iyo hababka suuqgeynta ugu sahlan iyo iskuxirnaanta.

-Waxaa Dawlada Puntland goleyaasheedu ay ansixiyeen dastuurka Puntland,heesta iyo astaanta dawlada,sidoo kale waxaa ay ansixiyeen xeerka doorashooyinka,xeerka argagaxiisada,xeerka tahriibta iyo xeerar kale oo u gaar ah wasaaradaha Puntland.

-Dawladu waxaa ay dib u habeyn ku sameysay oo balaaran hay’adaha garsoorka iyo cadaalada iyo tayeynta awoodaha maxkamadaha dastuuriga ah si ay awood u yeeshaan qaadista dambiyada fudud iyo kuwa culusba.
-Waxaa Dowladu wax ka qabatay wada shaqaynta ururada aan dawliga ahayn si dawladu ula socoto adeegyada la gaarsiiyo shacabka ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah.

-Dawladu waxaa ay wax ka qabatay amniga guud iyadoo la tayeeyey laamaha kala duwan ee booliska iyo ciidamada.

Dhamaan qodobadaan ayaa waxaa ay ahayd kuwa ay sheegtay Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo ay xustay in Dawladu Puntland ku talaabsatay mudadi sanadkii lasoo dhaafay,waxaana ay intaa ku dartay in labo munaasabado kale ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe,iyadoo tan ugu muhiimsan ay ka dhici doonto caawa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa isna lagu soo dhoweeyey mikrafoonka,waxaana uu ugu horeyn shacabka reer Puntland uga mahadceliyey munaasabadaan.

Intaas ka dib wuxuu ka hadlay xaaladda iminka ka jirta Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya ay kusoo duuleen kooxo sheeganaaya in ay jihaad galayaan,isagoo ku baaqay in lala dagaalamo kooxahaas maadama buu yiri dadka Soomaaliyeed boqolkii boqol waa Muslimiin.

Munaasabada ayaa ugu danbeyntii kusoo dhamaatay jawi wanaagsan,iyadoo dadkii kasoo qaybgalay ay isku hambalyeynayeen sanadguuradii 12-aad,waxaana mahadcelin balaaran loo jedkii gacan weyn ka geystay qabsoomidiisa.ediyey da

Source: Horseednedia

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News