Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 22, 2010

Puntland oo ciidamo dheeri ah u dirtay Buurta Galgala ee gobolka Bari.


Maamul goboleedka Puntland ayaa ciidamo dheeri ah waxaa uu u diray deegaanka Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa Atam.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, ciidamo dheeraad ah oo isugu jira daraawiishta iyo PIS-ta Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay Maamulka Puntland waxaa uu u diray Buuraleyda gobolka Bari oo maalmihii uu dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Atam.
Ciidamada Puntland ay u dirtay Buuraha gobolka Bari oo ku hubeysan gaadiid aan tiradiisa la cayamin ayaa ka kala baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kuwaasi oo ku sii jeeda nawaaxiga Buurta Galgala oo maalmihii la soo dhaafay ay joogto ka noqdeen weeraro gaadmo ah oo ciidamada Max’ed Saciid Atam ay ku soo qaadaan ciidamadii horey fariisimaha ugu lahaa Buurta Galgala.
Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News