Tuesday, August 3, 2010

Madaxweyne Faroole oo Qirtay in ay Al Shabaab ay ka Dambeeyeen Qaraxyadii Bosasso ee Mas'uuliyiinta Puntland Lagu Beegsanayey

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole oo saxaafada la hadlay ayaa si kulul u weeraray ururka Al Shabaab iyo hogaamiye diimeedka cusub Sheekh Maxamed Saciid Atam.



Mr Faroole ayaa ku eedeeyey Shabaab in ay mar walbo ka shaqeeyaan sidii loo bur burin lahaa jiritaanka maamul goboleedka Puntland iyo sidii loo xasuuqi lahaa dadka ku nool Puntland sida uu hadalka u dhigay.

“Shabaab meysan soo bilaabin dhibka ay nagu hayaan mar dhaw ee horay ay isugu dayeen qorshooyin fashilmay, waxa ay diidanyihiin jiritaankeena, waxaanse leeyahay taasi uma suurtoobi doonto, dhibaatooyinki ka dhacay Puntland ee ahaa dilal iyo qaraxyo iyaga ayaa ka danbeeyey” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu mar kale ka hadlay hogaamiye diimeedka dhawaan soo baxay ee la yiraahdo Maxamed Saciid Atam kaasoo dagaal todobaadki hore kala hortagay ciidamada maamul goboleedka Puntland, waxaana uu Faroole ku sifiyeey Sheekh Atam nin wakiil uga ah ururka Al Shabaab dhulka Puntland.

Puntland ayaa waxa ay u muuqataa mid faraha la gashay dhibaatooyin la xiriira kooxo islaamiyiin ah, todobaadki hore dagaal ayay la gashay dhalinyaro diimeed fariisimo ka dhigtay buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News