Friday, August 6, 2010

Madaxweyne faroole oo ka hadlay hadafka maamulkiisa ee ku Aaddan al-Shabaabka Puntland

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland C/Raxmaan Maxamed faroole ayaa maanta faafaahin ka bixiyey xaalada maamulkiisa iyo go’aanka uu maamaulkiisa ka qaatay Hogaamiye diimeedka dagaalka ka biloobay deegaanka Galgala.



Waxa uu sheegay Madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Faroole in ay ka go’an tahay in ah cagta mariyeen ciidamada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam oo dhowaan la dagaalamay maamulkiisa.

Faroole ayaa ku eedeeyey ciidamada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam in ay doonayaan in ay qaraxyo iyo dilal iyo sidoo kald dhac ay ka geeystaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari , waxa uuna ugu baaqay in shacabka Puntland in ay dhankooda kala dagaalamaan kooxda Max’ed Saciid Atam ee uu ku sheegay in ay nabada diidan yihiin.

Madaxweynaha Maamulka Puntlad ayaa hadaliisa sii raaciyey in kooxda wadadaka Max’ed Saciid Atam ay ku fashilmeen in qorsho ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan Magaalada Boosaaso, waxaa uuna intaasi raaciyey in howlgalo ciidamada amaanka ay ka sameeyeey Boosaaso rag ka tirsan kooxda Max’ed Saciid Atam ay ku soo qabteen.

Hadalkaan uu jeediyey Madaxweynaha maamulka Puntland oo ahaa mid caro ay ka muuqatay islamarkaana uu ku muujiyey sida ay uga go’antahay la dagaalanka Kooxda Max’ed Saciid Atam ayaa waxa uu ka sheegay qudbad uu ka jeediyey maanta mid ka mid ah masaajida ku yaala magaalada Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News