Monday, August 2, 2010

Madaxweyne Faroole oo Al Shabaab ku tilmaamay dad qalato.

Garoowe: Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan Al Shabaab ay ka yiraahdeen dagaaladii Galgala iyo Karin isagoo dhinaca kalana ku tilmaamay  Al Shabaab in ay yihiin kooxo dad qalato ah.
 
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’uud Faroole oo ka hadlayay Munaasabada sanad guuradii 12 aad ee aas aaska Puntland ayaa eedeyn kulul waxaa uu u soo jeediyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa uu sheegay inay ku fakir yihiin oo wakiil uga ah deegaanada Puntland kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay marin habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo ku sabasabaya sida uu hadalka u dhigay in ay ku dhaqayaan Shareecada Islaamka.

“Shareecadii been baat ka sheegteen, xageebay ku taalaa oo Shareecada kaga taalaa in Caruur, Dumar, waayeel iyo biramageydo qarax iyo miinooyin lala beegsado, Xageebey ku taalaa in mushtamac meel isugu yimid oo farxad u yimid caruurtoodii oo mudo wax soo baranayay inay shahoodyiin qaataan hal mar ah la wada qarxiyo, war waxaas diin ma’ahane iska Ilaalsha” ayuu yiri Madaxwyne Faroole.

Madaxweye Faroole oo qudbad dheer ka jeedinayay Munaasabadaasi lagu xusayay Sanad Guurada 12 aad ee Puntand waxa uu sheegay in gobolada Puntland Wakiil uu uga yahay Al Shabaab Max’ed Saciid Atam kaasi oo uu hadda sheegay in isaga iyo ciidamo uu watto ay ku suganyihiin Buurta Galgala, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ku xiranyihiin Al Qaacida sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu madaxweynuhu intaasi ku daray in Max’ed Saciid Atam uu sheegtay Masuuliyada dilal loo geystay dad biramageydo ah oo lagu dilay deegaanada Puntland ilaa 2008-dii.

“Waxa uu qirey in uu Al Shabaab ka mid yahay, waxaana uu yiri  Inagu  Shabaab ayaan ka mid nahay, 29-kii ayaa Cali Dheere oo Afhayeenka u ah Al Shabaab waxaa uu sheegay in Atam uu yahay nin beeshiisa difaacaya, sidaasi ayay u badaleen dagaalada ay wataan” ayuu yiri Faroole.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka geysan jireen ay hadda gaarsiiyeen Meelo ka baxsan dalka Soomaaliya oo uu tusaale ugu soo qaatay kii ugu dambeeyay ee ka dhacay Kampala, waxaana uu tilmaamay in Al Shabaab ay ku soo dhex dhuumanayeen dadkii ka barakacay Koofurta dalka Soomaaliya ee dhawaan laga soo masaafuriyay Magaalooyinka Puntland.

C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole waxaa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’antahay la dagaalanka waxaa uu ugu yeeray argagixiso ku been abuuraneysa Diinta Islaamka islamarkaana ah sida uu sheegay Beenaalayaal dad qalato ah sida uu hadalka u dhigey.

Faroole waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka iyo bar tilmaameedkii loo geystay masuuliyiinta Maamulka Puntland ee lagu dilay Magaalooyinka Puntland inuu uu hayay xilka madaxtinimada Puntland isagoo uga tacsiyadeeyay eheladooda.

Sidoo kale C/raxmaan Max’ed Faroole waxa uu ka hadlay arimaha burcad badeeda Soomaalida, isagoo sheegay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ciqaab ku hayaan Maraakiibta Shisheeye iyo kuwa ganacsiga ee maraya biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow dhow, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in deegaanada Puntland ay ka geysteen kooxaha burcad badeeda falal aad u xun oo ay ka mid yihiin dardar galinta cabida qamriga iyo faafinta Cudurka dilaaga ah ee HIV/ ADIS.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa munaasabada Puntland awgeed waxaa uu cafis u fidiyay dad ku eedeysnaa Falal la xariira argagixin kuwaasi oo gacanta lagu soo dhigey iyagoon wax dil ah geysan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News