Friday, August 6, 2010

Madaxa al-Shabaab ee Puntland Atam oo shuruudo adag ku xiray Maamulka Puntland


August 06, 2010

Magaalada Bosaaso waxaa weli ka socda Shir Albaabada loo xidhay kaasi oo looga hadlayo Xaalada Cakiran ee Deegaanka Galbeedka Bari, kuwaasi oo ay isku Hor fadhiyaan Ciidamada ka amar qaata Atam oo madax ka ah al-Shabaabka Puntland iyo Kuwa Maamulka Puntland.


Shirka oo ka furmay Hotel Panaroma ee Magaalada Bosaaso,waxana ka soo qaybgalay inta badan Masuuliyiinta Reer Sanaag bari ee ka tirsan xukuumadda Puntland iyo Odayaasha deegaanka, iyada oo Haba yaraatee Shirkaasi Saxaafada loo diiday ayaan Ilo wareed ka Soo Xiganay in si weyn diirada loo Saaray inay Muqadas tahay in Labada dhinac ay Nabada Wada qaataan.

Shirkaasi waxa ka dhex Muuqday Wasiirka Arimaha Gudaha General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir, Wasiir Xigeenka Koowaad ee Amniga Cabdi Jamaal iyo Taliyaal Ciidan oo dhamaantood ka soo Jeeda Sanaag bari ee Puntland.

Duubab Fara badan oo miisaan ku leh Beesha dhexdeeda ayaa Shirkaasi safka hore laga arkayay kuwaasi oo xxusay inay nabadu dan u tahay degaanka isla markaana waxay meesha ka saareen haba yaaraatee inaanay Nabadu Nin la dhalan ee la wada raadiyo Puntland iyo Ciidamada daaacadda u ah kooxda al-Shabaab ee ka hawl gasha Puntland.

Warar aan ka hellay xubno diidey in magacyadooda la faafiyo ayaa sheegay in kooxda Atam ay ilaa 5 shuruudood oo adag ku xireen in nabad laga gaaro wada hadallada labada dhinac qodobadaas oo ay ka mid yihiin

1-In madaxweynaha Puntland uu is casilo jadaga uu hadda hayo madaama uu u adeegayo cadowga Islaamka (sida ay u arkaan)

2. in wasiirka amniga shaqada laga eryo

3-In Xabsiyada Bosaaso laga sii daayo Dhalinyarada ku xidhan ee sheikh atam taageerta,

4- In shaqada laga eryo Taliyaha ciidanka PIS

5- In dib loo soo celiyo Hanti ay dhaceen Ciidamada PISta Marka ay Gudaha u Galeen degmada Ceel-Daahir(ex-Ceel-doofaar)

Shuruurdahaan ayaa u muuqda kuwa badankood adag yihiin in la meel mariyo, taasoo u muuqata in xujo sii daba dheereynaysa wadahadalladii nabadda ee labada dhinac u bilowday, waxaana odayaashu ku adkaan doonta in ay soo bandhigaan oo afka soo mariyaan shuruurdaha wadaadka Alshabaab ka warqabeenka ah oy dhabarka ka soo taabteen balse la arki doonee halka ay cagadhigato.



Source: DYNL
 



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News