Friday, August 6, 2010

Madax dhaqameedyo Shir Uga Socday Xadhadhanka oo La Weeraray

Wararka ka imanaya magaalada Buhoodle ayaa sheegaya in maanta degaanka Xadhadhanka uu ka dhacay weerar lagu qaaay madaxdhaqmeedyo halkaas shir uga socday.

 
Madaxdhaqameedkan oo la sheegay inay ka kala socdeen Gobollada Cayn iyo Toghdheer ayaa saaka gaadhay deegaankaas oo shir aan hore loo shaacin loo ballansanaa.

Shirkii oo aan weli furmin ayaa la sheegay inay shacab kasoo baxay magaalada Buhoodle ay weerar ku qaadeen, waxaana warku sheegayaan inuu dhaawac soo gaadhay labo nin, 2 baabuurna  la jajabiyey.

Lama shaacin ajendaha shirkan iyo waxa laga hadli lahaa, waxaase dadka qaar ku tilmaameen inuu ahaa mid laga soo maleegay Hargeysa oo fulinaya go'aankii Siilaanyo ee ahaa in wadahadal lala galo madaxdhaqameedka Deegaanka SSC.

Hogaanka SSC oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Buhoodle ayaa hore u sheegay inaysan wax wada hadal iyo xidhiidh la geli doonin Maamulka Siilanyo ilaa inta ay ciidamada Maamulkasi joogaan deegaamada SSC.

Dadka ka danbeeyey dhacdadan maanta ayaa lagu sheegaya inay yihiin taageerayaha SSC oo kasoo horjeeda in shir hoose dhex maro ismada  gobolka Cayn iyo Togdheer oo la filayo inay fulinayaan siyaasada Siilaanyo.

Halkan ka Dhagayso Faahfaahin Arintan ku Saabsan oo Ka Baxday BBC

Lasanod





0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News