Wednesday, August 18, 2010

Kenya oo baaraysa dhibaatooyinka ciidankeedu ay ku hayaan Somalida.


Dowladda Wadanka Kenya ayaa maanta bilowday baaritaano ay ku sameyneyso Ciidamadeed ku sugan Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dhibaatooyin u geystaan Qaxootiga Somalida.
Wararka ka imaanaya Xerada Qaxootiga ee Xagardheer ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen gudi ka kooban ilaa 11 ruux oo ay ku jirto haweenay ka socota xafiiska Madaxweynaha Kenya kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya dhibaatooyin Ciidamada dalka Kenya ay u geysteen qaxootiga Soomaalida.
Dacadiyada iyo dhibaatooyinka ciidanka Kenya ay kula dhaqaaqaan dadka Soomaalida ayaa la sheegay inay ka mid yihiin, Jirdil, Kufsi iyo in ciidanka Kenya ay xoog ku celiyaan Qaxootiga Soomaalida ee ka cararay dagaalada ka jira gudaha dalka Soomaaliya.
Baaritaanadaani dowladda Kenya ay bilowday ayaa yimid kadib markii dhawaan hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ay ku eedeeyeen ciidamada dalka KenyaKenya. inay kufsi u geysteen haweenka Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka Qaxootiga ee dalka
C/laahi Salaad Cumar oo ka mid ah 11-ka xubnood ee dowladda Kenya ay u xil saartay baaritaanada dhibaatooyinka la sheegay in ciidanka Kenya ay u geystaan Qaxootiga Soomaalida ayaa warbaahinta u sheegay in maanta wareysiga dadweynaha ay ka bilaabeen Xerada Xagardheer islamarkaana maalinta Berri ah ay tagi doonaan Xerooyinka Dhagaxley iyo IFFO si ay dadka halkaasi ku sugan ay uga wareystaan dhibaatooyinka ay u geysanayaan Ciidamada Kenya.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News