Thursday, August 19, 2010

Iska horimaad Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa Atam ku dhexmaray Bari.


Iska horimaad iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta Ciidamo ka tirsan PIS-ta Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo ninka xiriirka la leh al-Qaeda Max’ed Saciid Atam waxaa uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah Buuraleyda gobolka Bari.
Qaraxa oo ay ku dhinteen labo askari ku dhawaad 5 kalana ay kudhaawacmeen ayaa waxaa la sheegay in uu burburiyay gaariga ay saarnaayeen Ciidamada PIS-ta Puntland, waxaana qaraxaasi kadib weerar gaadmo ah gaariga la qarxiyay iyo gaadiidkii la socday ku soo qaaday Ciidamada uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam.
Majiraan wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Puntland oo ku aadan qaraxa Maanta lala eegtay iyo qaraxyo ka horeeyay oo maalin ka hor lala eegtay gaari sahay u siday Ciidamada Puntland, waxaana qaraxaani iyo iska horimaadka maanta ka dhacay Buuraha gobolka Bari ay qeyb ka noqonayaan isku dhacyo iyo ciidamada Puntland iyo kuwa Atam ku dhexmaray buuraleyda gobolka Bari.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News