Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 15, 2010

Hogaamiye Ka Tirsan ONLF oo Lagu Xiray Jigjiga iyo Heshiiskii UWSLF oo Burbur Qarka u Saaran

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia heysato ayaa xaqiijinaya in ciidamada Ethiopia ay xireen sarkaal sare oo ka tirsanaa jabhada ONLF.



Sarkaalkan la xiray ayaa lagu magacaabaa Cali Cabdille Xersi oo ku magac dheer Cali Shucaac, wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha sare ee Jabhada Xoreynta Ogadeniya ONLF.

Waxaa ilo wareedka ay xaqiijinayaan in Cali Shucaac laga qabtay bartamaha magaalada Jigjiga oo uu dhowaan soo galay, ka dib markii la sheegay heshiis dhexmaray jabhada UWSLF iyo xukuumada Ethiopia.
Lama sheegin sababta loo xiray Cali Shucaac, balse wararka ayaa sheegaya in xarigiisu uu ku xiriirsan yahay baadigoob Ethiopia ku heyso weli xubnaha sare ee ONLF.

Hase ahaatee dad badan ayaa u arka xariga sarkaalkan mid khalkhal gelinaya heshiiska Ethiopia ay la gashay mucaaradka, kaasi oo u muuqda in lagu dagayo mucaaradka oo la doonayo in loogu gabado ka dibna la qabqabto dhamaan saraakiisha sare ee ONLF ee halkaasi joogta.

Hogaamiyaha UWSFL Ibraahim Dheere ayaa dhawaan sheegay in heshiiska lala galay Ethiopia ay qeyb ka tahay ONLF hase ahaatee waxaa hadda muuqata in warka ka soo yeeray hogaamiyahaasi ay been noqotay maadaama sarkaal sare oo ONLF la xiray xilli heshiskii la saxiixay.

Dadka falanqeeya arimaha geeska Afrika ayaa ku sifeeyey heshiiskii Ethiopia ay la saxiixdeen UWSFL uu ahaa mid aan cadeyn oo mugdi badan ku jiro isla markaana aan wax damaanad qaad ah u heyn saraakiisha sare iyo siyaasiyiinta Ogadeniya ee la dagaalamay gumeysiga Ethiopia.

UWSFL ayaa hadda ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahayd heshiiskan burburka ku socda ee aan cagaha badan ku taagneyn maadaama talaabada lagu xiray Cali Shucaac ay dhabarjab ku noqotay fulitaanka qodobada heshiiska iyadoo sidoo kalana geed dheer ku laalay rajadii laga qabay in ragga kale ee ONLF ka mid ahi ku soo biiraan heshiiskan qabyada ah.

Waxaa horey loogu heshiiyey in la siidaayo dhamaan maxaabiista u xiran Ethiopia iyo in loo ogolaado mucaaradka oo dhan inay ku soo noqon karaan degaanaka Soomaali Galbeed, taasoo markii qaar badan ay yimaadeen xarig loogula dhaqaaqay.

Source: RBC Radio

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News