Friday, August 27, 2010

Haweenay Soomaali ah oo lagu Xakumay dalka New Zealand.


Haweenay Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay afduubi rabtay diyaarad laga leeyahay New Zealand sanadkii 2008-dii ayaaa lagu xakumay ku dhawaad 10 sano oo xarig ah kadib markii sida la sheegay ay ku cadaadeen dambiyada lagu heystay.
Haweeneydaani Soomaalida oo lagu magacaabay Caasho Cali Cabdala islamarkaana 33 jir ah ayaa waxaa la saaray maxkamada lagu magacaabo Christchurch High Court, waxaana haweeneydaani lagu eedeeyay inay isku deyday sanadkii 2008-da in diyaarad ka kacday Madaalada Christchurch ee dalka New Zealand. ay u afduubto dhanka wadanka Australia.
Qareenka u doodaya haweeneydaani Soomaalida ah ayaa sheegay in Maskaxda haweeneydaani Soomaalida ah aysan wanaagsaneyn markii ay isku dayeysay inay afduubato diyaarada laga leeyahay New Zealand taasoo uu u sababeeyay xanuun ay ka qaatay dagaalada ay uga carartay Muqdisho.
Garsoorka Maxkamada ayaaa sheegay in haweeneydaani lahu helay falal la xariira dhaawacyo ay u geysatay Beyloodyadii waday diyaarada iyo argagax ay ku abuurtay dadkii rakaabka ahaa, waxaana mudada 8-da sano ah ee la xakumay laga jarayaa labadii sano ee ay xabsiga dalka New Zealand ku jirtay maadaama aan horey loo maxkamadeyn.
Duuliyihii Diyaarada la sheegay inay haweeneydaani afduuban rabtay ayaa sheegay in gabaadhaani Soomaalida ah ay ku hubeysneyd Mindiyo uu sheegay inay ku wadatay Borsooyin diyaarada u saarnaa, walow Caasho ay beeniysay eedeynta lagub heysto.
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News