Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, August 11, 2010

Gobolada Dhexe iyo Puntland oo aan Maanta Laga Soomin

Inta badan Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya & Mandiqada Nabdoon ee Puntland ayaa Maanta badi dadka degeni waxay isku raaceen in ay maanta noqotay Maalintii u danbaysay ee bisha Shacbaan,kadib markii Xalay dad badani isku mashquuleen islamarkaasna saacado & Waqti dheer laga warsugayey cid si toos ah go'aan Soon ah soo saarta oo kamid ah Culimada Puntland.

Qaarkamid ah Culimada ugu waaweyn oo loogu ixtiraamka & dhageysiga badanyahay Deegaanada Puntland horeyna looga bartay kala saarista Khilaafaadka & Muranada la xiriira arimaha bilaha Shawaal & Ramadaan oo sanadkasta ay Dadka Soomaaliyeed isku khilaafaan ayaanan xalay wax war ah kasoo saarin soonka in uu jiro & inkale,waxaana culimadu ay ku gaabsatay in aanan lahayn wax Rasmi ah oo Dadka lagu soomin karo.

Walow uu jiro Khilaaf baahsan oo caado ahaan looga bartay Puntland,hadana Wasaarada Arimaha Diinta ee dawlada Puntland waxay xalay goordanbe ku dhawaaqday in Maanta (Arboco) ay soontahay,balse Culimada waaweyn ee Puntland waxay amarkaas ku tilmaamay mid aanan loo dhamayn islamarkaasna aysan ku dhamayn qodobada Diintu ka qabto in lagu soomi karo oo ah in Bishii ay dad lagu kalsoonaan karo arkeen & in ay dhimaatay Bisha Shacbaan oo maanta 30-noqonaysa.

Dhinaca kale Culimowdiinka Ehlusuna Waljeemaca ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Deegaanada ay ka taliyaan ee gobolada dhexe aanan Arbacada maanta ah laga soomanayn,waxaana ay taas ku macneeyeen inaysan hayn Cadayn rasmi ah,waxaana Xafiiska Cadaalada & Garsoorka ee culimadaasu maanta ku dhawaaqay in Beri si wadajir ah oo aanan khilaaf lahayn dalka Soomaaliya oo Idil looga soomi doono Hadii Rabbi Idmo.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News