Friday, August 27, 2010

Garoowe:Madaxweyne Faroole oo si kedis ah u tagay Buurawadal…(Warbixin).

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa galabta si kedis ah booqasho aanan horay looshaacin ku tagay Deegaanka Buura Wadal oo 30-km ujirta Caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna katirsan Gobolka aysan dawlada Puntland maamulin ee Sool.

Safarka Madaxweyne Faroole oo ay ku weheliyeen Tiro Wasiiro ah oo ay kamid yihiin Wasiiro Xigeenada Maaliyada & Dekedaha ee dawlada Puntland ayaa sidoo kale waxaa ku wehelisay Saraakiil kale oo ay kamidyihiin Lataliyeyaasha sarsare ee Madaxweynaha dawlada Puntland,Waxaana uu madaxweynuhu muddo kooban un dabadeed gaaray Deegaanka Buuro Wadal oo ay tahay markii ugu horeeyey oo uu booqdo kudhawaad labadii sano ee uu Xafiiska Madaxtinimo ee dalka joogay.

Madaxweynaha ayaa la hadlay shacabka magaalada Buura Wadal,waxaana uu ka dhagaystay baahiyahooda dhanka Arimaha Bulshada,gaar ahaan Amaanka,Biyaha,Caafimaadka & Waxbarashada,waxaana uu madaxweynuhu sheegey in Dawladiisu aysan waxba ka hagran doonin shacabka Buurawadal & guud ahaan dadka reer Sool oo uu sheegey in Xukuumadiisu ay si gaar ah uga warhayn doonto xaaladahooda kaladuwan,Mase soo qaadin Madaxweynuhu in xukuumadiisu ay dib u soo celin doonto gobolada Puntland kamaqan.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale booqday Xarumaha Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada & Talisyada ciidamada ee Buura Wadal,waxaana uu halkaas Warbixino ka dhagaystay saraakiisha kaladuwan ee halkaas kusugan,Waxaana uu intaas kadib kusoo noqday Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland oo uu awalba isla galabta ka tagay,Waxaana ay Buura Wadal mudo dheer talis u ahayd Odayaal & siyaasin kaladuwan oo markii danbe sameeyey Jabhadda SSC.

Madaxweynaha Dawlada Puntland & Saraakiisha safarka ku wehelisa ayaa waqti kooban kusugnaa deegaanka Buurawadal,waxaana aad loo adkeeyey amaanka deegaankaas,iyadoo si gaar ah loo adkeeyey Amaanka geed aad uweyn oo uu shir kula qaatay bulshada kudhaqan Buura-wadal,Waxaana aad loo hadal hayaa Safarka Madaxweynaha oo aanan la shaacin islamarkaasna aanan loo sheegin cidkasta oo aysan qusaynin.

Warar hoose oo ay APL safarkaas ka helayso ayaa kusoo waramaya in kahor intii uusan Madaxweynuhu halkaas tagin ay Wasiirada kasoo jeeda SSC gobolada la’isku yiraahdo ay googol xaar ahaan maalmihii lasoo dhaafay si isdabajoog ah u booqanayeen Deegaanadaas,Waxaana safarkii ugu danbeeyey saacado kahor kasoo noqday Tiro Wasiiro ah oo gaartay deegaanka Tukaraq oo ah halka ugu fog oo ay ciidanka Puntland joogaan.



Source:APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News