Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, August 11, 2010

Galgala:Ciidanka Puntland oo la wareegay Saldhigii Sadexaad oo Atam uu xarunta u ahayd…(Warbixin).


Ciidamada Amaanka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo dhowr cutub ka kooban islamarkaasna maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa buuraleyda gobolka Bari ee dawladda Puntland ayaa maanta dagaal culus la galay qaarkamid ah ilaalada Khaaska ah ee Hogaamiye kooxeedka la tuhunsayhay inuu xiriir dhow la leeyahay ururka Alshabaab.

Sarkaal katirsan ciidamada dawlada Puntland islamarkaasna hogaaminayey Ciidankii ay maanta Hogaamiye Atam ayaa sheegey in Ciidankoodu ay maanta si toos ah u qaadeen Weerarkan,waxaana uu sheegey in 3-Askari ay dagaalkaas uga dhaawacmeen,islamarkaasna ay lawareegeen Saldhigii uu labadii cisho ee lasoo dhaafay degenaa Hogaamiyaha maanta la weeraray.

Sarkaalkani wuxuu sheegey in Maanta Duhurnimadii uu dagaalkaas aad u cuslaaday,waxaana uu intaas kudaray in Atam & ciidamo kooban ay u carareen dhanka silsilada Taxanaha ah eek u dherersan bariga afrika kuwaas oo Golis lagu magacaabo,waxaana uu sheegey in ciidankoodu ay weli baacsanayaan Hogaamiyahan oo uu sheegey in lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan.

Goobjooge kusugan Deegaanka Maqashon ee 18-km dhanka Galbeed bari ugu beegan Tuulada Galgala ayaa APL u sheegey in ciidamada dawlada Puntland ay galabta si toos ah ula wareegeen deegaankaas,waxaana uu intaas kudaray in Boqolaal Ciidan ah oo katimid dhanka Galgala kana tirsan kuwa Puntland ay isla galabta soo gaareen Deegaaankii uu maanta dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale Goobjoogahan oo magaciisa ku koobay Maxamed Cismaan wuxuu sheegey in Ciidamada Hogaamiye Atam laweeraray xili ay ku jireen Qado karsi islamarkaasna ay Cunto ku karsanayeen Difaac ay halkaas ku lahaayeen,waxaana uu ka gaabsaday inuu APL si toos ah ugu xaqiijiyo Dhimashada & Dhaawaca rasmiga ah ee dhanka Malayshiyaadka dawlada maanta la dagaalamay,isagoo sheegey in tiro rasmi ah aanan la hayn balse uu indhihiisa ku arkay 10-nin oo dhimasho & Dhaawac isugujira kuwaas oo ay kujiraan ilaalada khaaska ah ee Maxamed Siciid Atam.

Dawlada Puntland ayaanan weli si rasmi ah dagaalkii maanta uga hadlin,sidoo kalena Hogaamiye Atam weli maka hadlin Dagaalkan,balse Saraakiil katirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland ayaa APL u xaqiiiyey in ay qabsadeen Deegaanka maqashin oo beryihii lasoo dhaafay uu Atam degenaa,waxaana Talaabadani ay ka dhabaynaysaa Balanqaadkii madaxda dawlada Puntland oo ahaa in dagaalku socon doono inta Hogaamiyahan & Ciidankiisu ay dhaqdhaqaaqa wadaan.

Source: APL


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News