Saturday, August 21, 2010

Dowlada Kuwait oo qaanuun cusub ku soo rogtay Soomaalida

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait ayaa ka walaacsan sharciyo lagu soo rogay ajaanibta kunool dalkaasi kaasoo si gaar ah u saameeyey Soomaalida.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofki sharciga joogitaanka loo cusbooneysiinaayo laga qaadayo faro, taasoo keeni karta in uu waayo sharciga hadii lagu helo danbiyo uu horay ugu galay gudaha dalka Kuwait.
Maxamed Axmed, oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in sharcigaan uu saameeyey Soomaalida, sababtoo ah ajnabiga kale waa laga joojiyey marki ay dowladahooda u doodeen.
“Sharcigaan aad ayuu inoo dhibayaa, hada waxaa ka gudbay ilaa iyo 20 ruux oo loo jadiidiyey sharcigooda, waxaa laakin cabsi qaba dad u badan dhalinyaro oo ka walaacsan in ay waayaan aqoonsiga dal ku jooga ah, sababtoo ah hadii qofka uu dagaal horay u galay oo farana laga qaaday ama qamri uu ku cabay farna laga qaaday ma helaayo sharci” sidaa waxaa yiri nabadoonka.
Safaarada Soomaalida ee dalka Kuwait ayaa hada ku mashquulsan sidii ay ugala hadli laheyd arrintaasi dowlada dalkaasi si Soomaalida loogu fududeeyo dal ku jooga.
Sanadi 2,000 ayey aheyd marki sidaan oo kale uu uga soo baxay dalka Kuwait qaanuun dhigaya in qofka loo cusbooneysiinayo sharciga uu soo maro caafimaad buuxa, hadii uu ku dhacana uu weynaayo sharciga.

Dalkayaga2gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News