Tuesday, August 3, 2010

Dowlada Burundi oo ciidamo hor leh u soo wada Soomaaliya

Dowlada Burundi oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ayaa ka shanqarisay in ay hada diyaar u tahay in ay ciidamo kale oo dheeraad ah usoo dirsato Soomaaliya.



Afhayeenka ciidamada Burundi Col. Gaspard Baratuza ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa diyaar u yahay inuu ciidamo dheeraad ah u diro wadanka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladiisu ay ogoshahay ciidamo kale inay geyso Soomaaliya, wuxuuse ku adkeystay in wadamada kalena looga baahan yahay inay fuliyaan balantii ay qaadeen ee ciidamo geynta dalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

Col. Gaspard Baratuza ayaa ku adkeystay inayan dhag jalaq u siineyn hanjabaadyada ka soo yeeraya Al Shabaab, wuxuuse carrabka ku dhajiyey in ay sheeda kala soconayaan sida wadamada afrikaanka ahi u dardar geliyaan ciidamo geynta Soomaaliya.

Dowladda Burundi waxaa hada magaalada Muqdisho ka jooga ciidan ku howlgala magaca AMISOM, waxaana ciidamadaasi ay yihiin kuwa aan dhaafin goobaha ay ilaaliyaan, iyadoo kooxaha Islaamiyiinta ah ay dagaalo adag kaga soo hojeedaan.

Dhawaan ayey aheyd markii wadamada midowga afrika ay shaaciyeen inay ciidamo dheeri ah geyn doonaan wadanka ay dagaaladu halakeeyeen ee Soomaaliya, iyadoo dad badani isweydiinayaan waxa ay ciidan dibadeed ku soo kordhin karaan xaalada wadanka Soomaaliya ee ka sii dareysa.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News