Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 22, 2010

Dhalinyaro iyo Ganacsato Soomaali ah oo lagu xirey dalka Zambia.

Wararka ka imaanaya dalka Zambia ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee dalkaasi ay xireen in ka badan 37 ruux oo Soomaali iyo Ethiopian ah kuwaasi ay ku jireen ganacsato Soomaali ah.
Ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro kor u dhaafeysa 37 ruux oo Soomaali iyo Ethiopian ah oo dooneysay inay dalkaasi uga talaabaan dalka K/Afrika kadib howlgalo ay ka sameeyeen ciidamadaasi xadka wadanka Zambia, kuwaasi oo ay ku xiren xabsiyada dalkaasi.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa sheegay in dhalinyaraani ay 30 ka mid ah yihiin dhalinyaro Soomaali ah halka 7-da kalana ay u kala dhasheen Wadamada Erirea iyo Ethiopia, waxaana uu intaasi ku daray in ay baaritaano dheeri ah ku sameyn doonaan.
Sidoo kale Ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa gacanta ku dhigay ganacsato Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inay dhalinyaro Soomaali iyo Ethiopian ay isaga kala gudbinayeen wadamada Zambia iyo K/Afrika kuwaasi oo haatan lagu xirey Magaalada Lusaka ee dallka Zambia.
Ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa mudooyinkii u dambeeyay heegan buuxa la galiyay wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalada kampala ee Xarunta wadanka Uganda iyadoo wadankaasina uu marin u yahay dhalinyarada Soomaalida ee sida lugta ah ku galaya wadanka S/Afrika.
Marka laga soo tago dhalinyarada lagu xirey wadanka Zambia ayaa waxaa jira dhalinyaro kale oo iyana ku xiran xabsiyo kuyaala gudaha wadanka Zimbabwi kuwaasi oo iyana ciidamada Booliska ee dalkaasi ay gacanta ku dhigeen xili ay doonayeen inay uga sii talaabaan wadanka K/Afrika.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News