Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 15, 2010

Darwalo ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan Xisbul Islaan iyo dowladda KMG.


Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen inay ku hayaan ciidamada dowladda ee ka amar qaata Sheikh Shariiif iyo kuwa Ururka Xisbul Islaan ee ku sugan wadadaasi.
Daraawalada gaadiidka ee isaga kala goosha inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose ayaa waxaa ay sheegeen in ay iminka dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa ururka xisbul islaan ee iyagu jagboontiyo gadiidka halkaas isaga kala goosha lacago uga qaada inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Qaar kamid ah darawalada gaadiidka iyo dadka kale ee riaaabka ah oo qaarkood ay ka hadleen ayaa waxaa ay sheegeen in laga bilaabo EX. Control Afgooye oo ay fariisin u tahay ciidamada Dowlada KMG iyo Deegaanada Siinka dheer, Ceelasha biyaha, Lafoole iyo carbiska oo iyana fariisin ay ku leeyihiin ciidamada maamulka ururka xisbul islaan ay halkaasi uga qaadaan lacago baad ah oo gadiidka ka qaadaan taasina ay keentey in uu culees soo faadsaaro gaadiidleyda wadadaasi isticmaala.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News