Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, August 13, 2010

Dagaal xoogan oo markale saakay dib uga qarxay buuraldayda Galgala.


Dagaalo gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhawac oo u dhaxeeya ciidmada Maamulka Puntland iyo kuwa Max’ed Saciid Atam, ayaa saakay mar kale ka qaxay deegaano ka mid ha Maamulka Puntland.

Dagaaldaani oo ah kuwa aad u culus islamarkaan ay barbar socdeen madafiic ay is waydaarsanayeen labada dhinac ayaa saakay waabarigii waxa ay ka qarxeen deegaanka Madashoon oo ka mid ah Buuralayda gobalka Bari, waxaana halkaasi uu dagaalka ka bilawday kadib markii uu ciimada uu hogaamiyo Atam ay weeraro culus oo gaadmo ah ay kusoo qaadeen fariisin ciidama Puntland ay ka samaysteen dhawaan deegaanka Madashoon oo ka mid ah gobalka Bari.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, wxaana magaalda Boosaaso iyo waliba Buurta Galgala oo 40-km dhinaca Koofureed kaga beegan magaalada Boosaaso laga maqlayaa dhawaq rasasta ay isku ridayaan labada dhinac.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada saakay ku dagaalamaya deeganka Madashoon oo ka mid ah Buuralayda gobalka Bari hase’ahaate dagaalka ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo maalmo ka hor ciidmo ka tiran kuwa Puntland ay kula wareegeen saldhig ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Saciid Atam ay ku lahaayeen degaankaasi, waxaana dagaalka saakay si gaadmo ah ku soo qadaay ciidamada uu hogamiyo Atam.
Korneel Cumar Cabdulaahi oo ka mid saraakiisha sar sare ee ciidamada Puntland oo ku sugan deeganada lagu dagaalamay ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalada socda uu kaga dhinteen hal askari 3-kalana ay uga dhaawacmeen, isagoo sheegay in ay qasaaro culus gaarsiiyeen dhinacyada dagaalka ay kula jiraan, waxaa uuna intaasi ku daray in dagaalka uu wali sii soconayo lana ogaankarin cida guusha raacday.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News