Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 8, 2010

Dagaal cusub oo ka Bilowday Galgala

Dagaal cusub ayaa ka bilowday Galgala oo ahayd meeshii laba todobaad kahor ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo koox al-Shabaab gacan saar la leh mucaarad ah.



Dagaalkan cusub ayaa saaka 7dii aroornimo ka bilowday deegaanka Galgala, gaar ahaan togga Sugurre, oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo koox al-Shabaab ah oo ku jira buuraha Galgala uuna hogaamiyo Maxamed Siciid (Atam). Dad jooga tuulooyinka Laag iyo Karin oo ka ag dhow meesha dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalkii maanta hubka culus la isku adeegsaday.

Dhinaca khasaaraha, waxa madaxweyne kuxigeenka Puntland sheegay in ay 18 ka dileen kooxdii la dagaalamaysay halka ciidanka Puntlandna laga dilay 3 askari, 13 kalana laga dhaawacay, sida madaxweyne kuxigeenku sheegay.

Iyadoo gurmadku dawladu uu dhinaca Bosaso ka iminayo ayaa wasiirka amnigu sheegay in ay qabteen gurmad u socday dhinaca kooxda Atam, gurmadkaas oo dhinaca Galkacyo ka yimid.

Wali ma muuqato wax waan-waan ah oo dagaalka lagu qaboojinayo, laakiin wasiirka amniga ee Puntland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin, soona dhaweynayaan cidii nabad diyaar u ah.

Source:VOA

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News