Wednesday, August 18, 2010

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo u goostay dhaqdhaqaaqa SSC.


Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo Gaadiid dagaal oo ay wateen ayaa maanta u goostay SSC oo dagaallo kula jirta maamulada Puntland iyo Somaliland.
Sida ay sheegeyaan wararka laga helayo qaybo ka mid ah gobalka Sool waxaa deegaanka Xudun oo ka mid ah gobalka Sool oo maanta gaaray afar gaari oo nooca dagaalka ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo maanta iyagu u goostay dhinaca SSC.
Dhanka kale cutubyooyin ka tirsan ciidamo Puntland ayaa faraujiayae fariisimo ay ku lahayeen Tuulada Galgala iyo Madashoob oo ka mid goobihii ay kala dagaalameen ciidamada uu hogaamiyo ninka xiriirka la leh al-Qaeda/al Shabaab Max’ed Saciid Atam, iiyadoo ciidamada farisin ka sameeyteen Tuulooyinka Bariqadar iyo Sugure ee galbeedka buuraalayda gobalka Bari.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News