Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 8, 2010

Ciidamada amaank ee Liibiya oo xalay dad Somaliyeed ka saaray guryahooda.

Ciidamada amaanka ee dalka Liibiya ayaa xalay guryahooda ka saaray dad Soomaali ah oo ku noolaa Magaalada Tripoli ee xarunta wadankaasi Liibiya, kuwaasi oo la sheegay in xalay meel banaan ah ay ku hoydeen.
 
Ciidamada dowladda Liibya ayaa talaabadaani qaaday kadib markii amar ku saabsan arinkaani uu ka soo baxay dowladda wadanka Liibiya kaasi oo guryaha lagaga saarayo dadka ajaanibta ah ee ku sugan Magaalada Tripili ee caasimada wadanka Liibiya.

Amarka ay dowlada Liibya soo saartay waxaa ay keentay in Soomaali farabadan oo ku noolaa Magaaladaasi ay Xalay ku hoydaan beero kuyaala duleedyada Magaaladaasi, kuwaasi oo halkaasi xalay oo dhan uu kula dul dhacayay qabow xoogan kadib markii guryahoodii ay si qasab ah uga saareen ciidamada amaanka ee dalka Liibiya.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Liibiya ayaa VOA qaybteeda afka-Soomaaliga  u sheegay inay dibada uga baxeen guryahoodii islamarkaana ay hoy u raadsadeen beero kuyaala duleedka Magaalada Tripoli, iyagoo sheegay inaysan aqoon sababta loo bartilmaameedsaday.

Waxaa ay codsadeen in dib loogu soo celiyo gudaha dalkooda Soomaaliya oo markii hore ay uga cararaan dagaalada wali ka sii jira Koofurta dalka Soomaaliya, waxaana dadka Soomaalida ee xalay meelaha banaanka seexday ka mid ahaa haween iyo caruur Soomaaliyeed oo da’doodu ay aad u yartahay.

Marka laga soo  tago dadkaani Soomalaida ee xalay ciidamada Liibiya ay guryahoodii ka saareen ayaa horey gudaha dalka Liibiya waxaa uga taagnaa dhibaatooyin loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee isaga carartay Soomaaliya, kuwaasi oo ciidamada dalka Liibiya ay u geystaan Jirdil iyo Xarig.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News