Saturday, August 21, 2010

Ciidamada Ahlu Sunna ee Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay rag dil geystay.


Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaac ee degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadood ay ka sameyeen gudah dgemada ay ku soo qab qabteen rag ay sheegen in ay falal dil ah ka gaysteen gudaha degmada Caabudwaaq.
Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku soo dhigay labo ruux oo la tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen dil looga gaystay haweenay lagu magacaabayay Nuuro Yuusuf Axmed xero barakacayaal oo kutaala duleedka Magaalada Caabudwaaq.
Ciidamada ayaa markii dilka loo geystay haweeneydaasi waxaa ay bilaabeen howlgalo ay ka sameynayaan xaafado ku dhow dhow Xerada haweenayda lagu dilay taasi oo meydkeeda laga soo helay habeen hore aqal ay ku laheyd xero barakacayaal oo ku taala duleedka Magaalada Caabudwaaq.
Marka laga soo tago haweeneydaani lagu dilay duleedka Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa jira haween kale oo iyana halkaasi lagu dilay, taasoo keentay in cabsi iyo wel wel farabadan uu soo wajaho haweenka Barakacayaasha eek u jira xerada dadka barakacay ee duleedka degmada Caabudwaaq.
Saraakiisha Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee labadaani ruux gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay inay ku hayaan baaritaano, waxaana ay tilmaameen in hadii dambi lagu helo la horgeyn doono Maxkamad si loogu qaado shareecada Islaamka.
Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News