Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, August 8, 2010

Boosaaso:Wasiirka Amniga ee Puntland oo ka hadlay Dagaalada Galgala kasocda.

Wasiirka Wasaarada Amniga ee dawlada Puntland Jen,Yuusuf Axmed Khayr oo kamid ahaa Tiro Wasiiro ah oo maanta ka qeybgashay Dagaalkii cuslaa ee saaka ka bilowday Deegaano kamid ah gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegey in Dagaalkii saaka ay Ciidankiisu Hor’umar weyn kasameeyeen.


Jen,Yuusuf Axmed Kheyr wuxuu sheegey in Ciidanka Puntland ay gaareen intabadan Ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay Dagaalkan u qaadeen,waxaana uu sidoo kale sheegey inaysan weli Maxaabiis nool gacanta kusoo dhigin balse ay in kabadan 20-Nin oo Qaarkood Saraakiil yihiin goobta ku dileen.

Wasiirka Amniga ee Puntland wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidanka Amaanka ee gobolka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen gaari ay saarnaayeen koox dad ah oo uu sheegey inay ugu shakisanyihiin inuu yahay Gurmad u socday goobta,Dagaalka balse wax faahfaahin ah oo dheeri ah Wasiirku kama bixin gaarigan ay ciidanku qabteen.


Source: APL



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News