Friday, August 13, 2010

Booliiska Bosaso oo saldhiga u taxaabay Shaqaalihii Warbaahinta Horseed Media

Waxaa goor dhaw saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso lagu xiray Agaasimihii Idaacada Horseed Media ee magaalada Bosaso, Cabdifutax Jamac Mire, kadib markii ay ciidamada Booliiska ay galeen idaacada Horseed Media xarunteeda iyo studiyadaha ay ku leedahay magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Ciidamada Booliiska oo uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska ee gobalka Bari Col.Cismaan Afdalow ayaa saldhiga u taxaabay dhamaan hawlwadeenada idaacada oo ay ku jiraan suxufiyiintii ka shaqeynaysay iyo maamulka idaacada.
Booliiska ayaa muddo yar kadib saldhiga kasii daayey suxufiyiintii idaacada kadib markii halkaasi su’aalo lagu weydiiyey, balse Booliiska ayaa saldhiga kula haray Agaasimaha Idaacada Cabdifutax Jamac Mire.
Dhacdadan ayaa imaaneysa saacado kadib markii ay idaacada Horseed Media Wareysi la yeelatay Shiikh Maxamed Siciid Atam oo asagu koox uu hogaaminayo xiligan dagaalo ay kula jiraan dowlada Puntland.
Macada sababta keentay in ciidamada Booliiska ay bartilmaameed ka dhigtaan idaacada, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladu ay si weyn uga soo horjeedo in saxaafadda madax banaan ay wareysiyo la yeelato kooxaha dagaalka kula jira, arrintaasi oo aan horey wax sharci ah looga soo saarin.
Warbaahinta Horseed Media waa mid madax banaan waana mid u adeegta shacabka isla markaana xogta dhabta ah usoo gudbisa ayadoo si dhex dhexaad ah uga waranta dhacdooyinka dalka ka jira, isla markaana xogta iyo warka sugan ka raadisa goob walba. Arrintan ayaa keenta in mararka qaarkood ay maamulada iyo kooxaha siyaasada ku loolama ay warbaahinta bartilmaameed ka dhigtaan hadii ay tabiso war aysan dooneyn in ay shacabku maqlaan.
Hase yeeshee arrintan ayaa ah mid meel ka dhac ku ah saxaafada madax banaan, maadaama aysan jirin wax sharuuc ah oo ka jira Puntland oo mamnuucaya in warbaahinto ay wareysato kooxaha dowlada kasoo horjeeda.


Source: C/risaaq Shiino, Horseed Media

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News