Monday, August 2, 2010

ASWJ oo amaro dul dhigtey dadka Salaad aan tukan ee ku dhaqan Caabudwaaq.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dadka taaruko salaadka ah ama aan Salaada tukan.
 
Kadib wareegto maanta ka soo baxay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ay kaga hadleen dadka taaruku Salaadka ah eek u sugan degmada Caabudwaaq, waxaana wareegtadaani ay amreysa dadka aan Salaada tukan in xiliyada aan lagu arki Karin goobaha mehradaha ganacsiga iyo isku socodka  Magaalada.

Taliyaha Ciidamada Saldhiga degmada Caabudwaaq Bashiir Cali Mire oo wareysi siinayay saxaafadda ayaa sheegay in qorshahaani cusub degmada looga saarayo dadka taariko Salaadka ah, waxaana uu tilmaamay inay wacyo galin u sameeyeen dhamaan bulshada ku dhaqan gobolka Galgaduud.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay sameynayaan howlgalo ay ku baadi goobayaan dadka Taariku Salaadka xiliyada salaada isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii arinkaasi lagu soo qabtaa.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News