Sunday, August 1, 2010

Ahlusunna oo beesha caalmka ka codsatay in AMISOM loo badalo nabad dhaliyayaal

Xoghayaha warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ee xoogagga Ahlusunna Wajameeca oo maanta la magacaabay Sheekh Maxa’uud Ibraahim Shuuriye ayaa durbadiiba baaq u diray beesha caalamka isagoo ka
codsaday in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho loo badalo nabad dhaliyayaal halka ay hadda ka yihiin nabad ilaaliyayaal isagoo dhinaca kalena soo dhoweeyay go’aankii dhowaan ka soo baxay shr madexeedkii midowga Africa ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada kampala ee xarunta dalka Uganda.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale dowladda KMG ku eedeeyay in ay ka gaabisay garab siinta dagaalyahanadooda dagaalka kula jira xoogagga Shabaab iyo Xisbul-islaan isagoo ka codsaday dowladda in ay wax ka badasho siyaasadeeda ku aadan arintaasi.

Ugu dambeyn xog hayaha ayaa qiray In ciidamadooda ay gooyeen wadada xiriirisa isgoysyada Dabka iyo kan Bakaaraha oo ah wado laf dhabar u aheyd bulshada Muqdisho, isagoo sababtana ku sheegay in xoogagga ay la dagaalamayaan ay dhowr jeer ku dhibaateen ciidamadooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu iska fogeeyay in ciidamada Ahlusunna waljameeca ay ku lug leeyihiin lacago sharci daro ah oo babuurta BL-ka iyo kuwa xamuulka ahba looga qaado wadadaasi, waxa uuna sheegay maleeshiyada lacagta qaadata in ay ka tirsanyihiin ciidamada dowladda KMG.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News