Friday, August 6, 2010

Ahlu Sunnah Waljameeca: "Bisha Ramadaan waan Laba Laabaynaa Dagaalka ka Dhanka Argagixisada "

Xoghaya Warfaafinta Gobolka Banaadir ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’uud Axmed Shuuriye oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaciyey in ay laba jibarayan bisha barakeeysan ee ramadaan dagaalada ay kula jiraan Al shabaab iyo Xisbul Islaan.



“Waxaan ugu bishareynaynaa shacabka gobolka Banaadir in bisha Ramadaan ee soosocta Mujaahidiinta Ahlu Sunna inay doonayaan inay laba laabaan Jihaadka ay uga soo horjeedaan Al Shababa iyo kuwa isbaheysiga la ah ee xisbiga” ayuu Sheekh Shuuriye.

Sidoo kale xogahaya Wrafaafinta Gobolka Banaadir u qaabilsan Ahlu sunna Sheekh Shuriye ayaa wacad ku maray in meel walba oo ay jogaan Shabaab dagaal ay ka bilaabi doonaan , waxa uuna xusay in ay soo gabagabeeyeen diyaar garoow dagaal oo ay ku tala galeen bisha Ramadaan.

Ugu danbeeyntii Wakiilka warfaafinta gobolka Banaadir ee Ahlu sunna waljamaaca ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna guulo muuqda ay soo hoyiyeen aagaga Muqdisho ay uga jiraan, waxa uuna guul ka sheegtay dagaal shalay gelinkii danbe xoogaga ka soo horjeeda ay kula galeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka banadir.

Ciidamada Mujaahidiinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan gobolka Banaadir waxaa ay doonayaan inay dharbaaxo ku dhiftaan oo ay ka sifeeyaan meel kasta oo lagu tuhmayo shaqsi kasta oo lala Xariirinayo Al Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayaha Warfaafinta Sheekh Shuuriye.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News