Friday, August 27, 2010

Ahlu Sunnada gobolka Banaadir oo ku baaqday dagaal ka dhan ah Shabaab.


Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaca ee gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dagaal kadhan ah kooxda argagxisada ha ee AL Shabaab oo ay sheegeen in dalka ay soo galinayana dagaalyahano Ajaanib ah.
Sheekh Maxamuud Axmed Shuuriye oo ah afhayeenka xoogagga ahlu suna Waljamaaca ee gobolka Banaadir oo saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa waxa uu ugu baaqay dowlada KMG iyo shacabka Soomaaliyeed in ay kala qeeb qaataan dagaalada ay kula jiraan ciidamada kooxda Al shabaab iyo ururka xisbul islaan.
Afhayeenka waxa uu intaasi ka daray in aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka Al Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay isgoo tilmaamay in ahlu suna ay rajo ka qabto in ay wareegto fariisimaha Al shabaab iyo xisbul islaam ay kaga sugan yihiin gobolka Banaadir.
Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Axmed Shuuriye waxa uu guula ka sheegtay dagaaladii afartii maalin ee la soo dhaafay Shabaab ay kula galeen qeybo ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Waxa uu tibaaxay in dagaaladaasi Al shabaab ay kaga dileen ciidamo tiradooda ay gaareyso 23 dagaalyahan, dhankoodana ay kaga geeryoodeen 2 askari, 3 kalana ay kaga dhaawacmeen, isgoona sheegay afhayeenka in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan al Shabaab tan iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka gobolka Banaadir sida uu tilmaamay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News