Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, July 14, 2010

Xukuumada Kenya oo heegan galisay laamaha amaan

Qaraxyo mataana ah oo lala eegtay xaruunta dalka Yugaandha ayaa mar qura’ waxa ay sameeyn ku yeesheen dowldo badan oo ku yaal qaarada Afrika halkaa oo difaac xoogan durba ay galeen dowladahaasi, Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Kenya ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerar kasta oo uga yimaada xoogag ka dagaalama gudaha Soomaaliya.


waxa uuna ku soo beegmayaa Warkan ka gadaal markii dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab uu weerar qasaaro lixaad leh geestay ka fuliyay magaalada caasimadda ah ee Kampala, Uganda halkaa oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo ku jireen Mareekan.

Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa waqtiyadii u dambeeyay ciidamo badan keentay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si loo adkeeyo ammaanka dalkaasi ayadoona dhanka Shabaab ay dhowr jeer gaareen xuduuda dalkaasi si halkaasi ay qalalaaso uga abuuuraan.

Wasiirka amniga ee Kenya ayaa wuxuu sheegay in uu haatan yahay mid la’isku haleen karo ammaanka guud ee dalka Kenya isagoo markaasi u ek in cabsi ay ka qabaan maamulka dalkaasi in qaraxyo ay ka fuliyaan Alshabab dalkaasi.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku gacan siineyso dowladaha Afrika sidii loo ogaan lahaa weeraro hadii ay jiraan oo ay uu damacsan yahay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.

Dowlada dalka Mareykanka ayaa sheegtay weeraradii ka dhacay Uganda inaya qeyb ka ahaayeen hanjabaadyo marar badan uu soo jeediyay dhaq dhaqaaqa Alshabaab ee ka dagaalama guda Soomaaliya.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News