Tuesday, July 6, 2010

Xisbul Islaam iyo Shabaab oo isk dilay sideed maleeshiyo

Maleeshiyaadka kala taabacsan kooxaha mayalka adag dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaan ayaa maanta dagaal kooban waxa uu ku dhexmaray magaalada Muqdisho halkaasoo ay isaga dileen 8-maleeshiyo, sida ay wararku sheegayaan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ay si ula kac ah maleeshiyaadka Shabaab ugu dileen shan ka tirsan maleeshoyada Xisbul Islaan.

Maleeshiyada Xisbul Islaan oo iyana aargudasho kusoo talo galay ayaa waxaa ay jidka u galeen mid ka mid ah gawaarida maleeshiyada Al-Shabaab, halkaasoo oo ay iyaguna ku dileen 3 ka risan Shabaabka.

Xaaladda ayaa iminka ah mid aad xun, waxaana ay dhacdadani kusoo beegmeysaa xilli ay kacsantahay xiisada u dhexeysa labadan kooxood oo kawada tirsan kooxaha aaminsan madhabta Wahaabiyada. Shiek Shirif oo ah madaxa Al Islaax ayaa isaguna la madhab ah labadan kooxood ee isaga la dirirta.

Dhowr jeer oo hore ayay si gaadmo-gaadmo ah isaga dileen maleeshiyaad, balse dhacdadii maanta ayaa ah tii ugu tirada madneyd ee maleeshiyaadka halmar ku dhintay gaadmada labada dhinac.

Dalkayaga@gmaial.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News