Saturday, July 3, 2010

Xildhibaan Laangare" Wasiirnimda waxaa lagu bixiyaa waji.

Xidlhibbaan Cali Max’uud Cabdi Laangare oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxda Dowlada KMG ah ee Somaaliya in waji iyo saaxiibtnimo ay ku bixiyaan xubnaha wasiirada Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.


Xildhibaanka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shariiif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabadi Rashiid Cali Sharma'arke in xilalka ay ku bixiyaan waji iyo saaxiibtinimo, waxa uuna sheegay in la magacaaby dadka aanan ehele u ahayan xilalka loo dhiibay.

  Shariiif Sheekh Ahmed iyo ina Cabdirashiid waji iyo saaxiibtnimo ayey ku bixiyaan xilalka wasiirnimada, xitaa kalama tashashadaan dadka aqoonta u leh ee ku jira baarlamaanka . ayuu yiri Cali Max’uud Cabdi Laangare oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG.

Ugu danbeeyntii Waxa uu sheegay Cali Max’uud Cabdi Laangare oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG in isku shaandheeynta haatan lagu sameeyey golaha wasiirada xukuumada KMG aysan waxba ka duwaneeyn kuwii lagu soo dhisay Jubuuti ee uu sheegay in ay waji ku saleeysneeyd.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News