Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, July 25, 2010

Xiisad u dhaxeeysa Ciidamo ka tirsan Pundland iyo xoogag hubeeysan oo lal xiriiro Al Shabaab oo kja tagaan deegaanka Galgala.

Wararka ka imaanaya Degaanka Galgala ayaa ku waramaya in xiisad u dhaxeeysa ciidamo ka tirsan maamulka Puntlad iyo xoogaga hubeeysan ay ka taagan tahay deganaakaasi.



Xiisad ayaa ka danbeyey ka dib markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay gaareen deeganaankaasi, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen qeybo ka mid xoogaga hubeeysan oo lala xiriiryo in ay ka tirsan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab oo gacanta ku heeysa inta badan Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Ciidamada Puntland ayaa waxaa la sheegay inay howlgalo ka sameeyeen deegaanka Galgala, iyadoo dadka deegaanka cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo.

Beryihii u dambeeyay ayaa deegaanada Puntland waxaa laga musaafuriyay dad fara badan oo maamulka uu sheegay in aysan deegaanka u dhalan.

Talaabooyinkaasi ayaa maamulka Puntland waxaa uu ku kasbaday cambaareyn kulul uu uga yimid siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News