Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, July 13, 2010

Xagardheer: Wiil Soomaliyeed oo Lagala Baxay Xubnaha Jirkiisa ugu Muhiimsan

Wiil Soomaali ah oo lagala baxay Beerka, Wadnaha, iyo labada Kalyood ayaa saaka maydkiisa lasoo dhigay meel banaan oo ku taala xerada qaxootiga ee Xagardheere ee degmada Dhadhaab oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.


Wiilkan oo dadiisu lagu sheegay 14 sano jir ayaa saaka waxaa maydkiisa laga helay xaafad ay degan yihiin qaxoonti Sudaanta ah  oo dagan xerada qaxoontiga ee Xagardheer. Qisadan ayaa waxay ka cadhaysiisay  dadwaynihii ku noolaa xerada kadib isu soo bax ka dhacay meeshii laga helay wiilka maydkiisa ayaa markii danbe wuxuu isu badalay kacdoon shacab oo dagaal ah oo dadka Somalida ah ay ku qaadeen xaafada  ay dagan tahay Suudaantu ee laga helay maydka.

Illaa iyo hada waxaa ka socda dagaal la isu adeegsaday budhadh iyo waramo iyo dhagxuun dagaalka ayaa ilaa iyo hada waxaa ku dhaawacmay inta la og yahay13 qof ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaadhay guryaha Suudaantu dagan tahay iyo Kiniisad ay ku cibaadaysan jireen oo gabi ahaanba gubatay.

Police ka Kenya oo soo gaadhay halkaas oo adeegsanaya sunta dadka kaga ilmaysiisa ayaa waxay damin kari la yihiin kacdoonkaa oo saacado badan soconaya  halka ay caruurrii iyo dumarkii Suudaanta ahaa lagu xereeyey saldhiga Policeka  kacdoonkan ayaa wuxuu yahay mid aad u balaadhan. Khasaaraha ayaa lagu wadaa inuu intaas ka sii bato kacdoonkii oo aan istaagin awgii.

Xerada qaxoontiga ee ay UNHCR maamusho ayaa waxaa wada dagan Somali, Sudan, Ganbale, Ethopian oo ka soo bara kacay dagaalo aan dhamaad lahayn oo ka soconaya wadankoodii oo halkan u soo aaday siday  nabad galyo ugu helaan  waa markii ugu horaysay ee qiso noocan oo kale ahi ay ka dhacdo  xerada qaxoontiga ee Xagardheer.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News