Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, July 27, 2010

Xaaladihi ugu danbeeyey ee dagaaladi Galgalo iyo Maxamed Atam oo ka hadlay

Hogaamiye Alshabaabta Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam oo dagaalo ka dhan ah maamulka Puntland bilaabay ayaa ka jawaabay hadal uu shalay saxaafada siiyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole.



 Atam oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada uu watay ay guulo kasoo hooyeen dagaal ay shalay ciidamada Puntland kula galeen buuraha Galgale ee duleedka Boosaaso, isaga oo meesha ka saaray in rag laga qabsaday.

“Wali anaga ayaa gacanta ku heyno Galgale, kuwi naga soo horjeeday weey carareen, haduu ALLE idmnana waan sii wadi doonaa dagaalka” ayuu yiri Atam.

Guushan uu sheegtay Atam ayaa waafaq sanayn xaqiiqda ka jirta deegaanka dagaalku ka dhacay. Sida ay warar madax banaan sheegayaan, waxaa jab wayn kala hoyday goobtii dagaalka kooxda Alshabaab oo uu hogaamiye u yahay Max'ed Sicid Atam.

Shalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay bur buriyeen kooxda ay diintu madaxmartay oo ka dilaacay Bari, isaga oo tibaaxay in ay qabteen mid ka mid ah raga ugu caansan kooxaha Argagixisada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa waxa hada ay u muuqataa mid ku socoto waddada koonfurta Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaalo salka ku haya mabda, diimeed, hadii aynan Puntland gacan bir ah ku qaban kooxaha mayalka adag oo iygu muddo lagu fiirsan inta ay isku urursanayeen buuraha Galgala.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News