Friday, July 30, 2010

Xaafada Isha Boorama Iyo Magaalada Boorama Oo Ay Ka Dhaceen Banaanbaxyo Laga Soo Horjeedo Dhawaaqa Golaha Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo

Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuumada golaha wasiirada ee xukuumada cusub ayaa maanta ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ee xanta gobolka Awdal.

Banaanbaxyadan oo dadka ka qayb galay ku cabanayeen in beelahaooda laga qadiyay xukuumada cusub, waxaanay wadooyinka ku gubeen taayiro.

Mudaharaadka magaalada Hargeysa oo isagu ka dhacay Xaafada Isha Boorama ayay dadku kaga cabanayeen in aanu madaxweyne siilaanyo sida beelaha kale ee reer Somaliland siinin wasiiro iyo ku xigeeno midnaba.

Ciidamada Booliska ayaa tiro ka mid ah dad lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen mudaharaadkaas xabsiga u taxaabay iyada oo ay ilaa hada xaafadaas gaaf wareegayeen ciidamada booliska Somaliland oo iyagu kala kaxeeyay dadkii banaanbaxaas ka qayb galay.


Dhinaca kale magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal ayay wararku ay sheegayaan in uu mudaharaad aad u xoog badani ka dhacay, kaas oo ay dadku kaga cabanayeen tirada wasiirada ee ay xukuumada cusub ku leeyihiin.

Badhasaabka gobolka Awdal oo isagu goor dhaweyd u waramayay Bbc-da ayaa sheegay in aanu khasaare ka dhashay mudaharaadkaasi, balse maalinta beri ah ay isku dayi doonaan sababta keentay mudahaaradkan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News