Monday, July 12, 2010

Wal wal xoogle oo soo wajahay soomaalida Uganda

Kadib qaraxyadii xalay gil gilay caasimadda dalka Uganda ee Kambala ayaa soomaalida daggan dalkaasi oo ay ugu badanyihiin ardeyda wax ka barata jaamacadaha dalkaaasi iyo ganacsatada Soomaalida waxaa soo wajahay wal wal xooggan oo ay ka qabaan in ay wa yeelo u geystaan shacabka dalkaasi.


Qaar kamida ardeyda wax ka barata dalka Uganda oo aan kula hadalay khadka taleefanka VOA Somali,ayaa inoo sheegay In ay guryaha ku xayiranyihiin tan iyo markii ay xalay qaraxyadu dheceen, iyagoo ka cabsi qaba in ay wax yeeleeyaan dadka ka careysan qaraxyadaasi.

Waxa ay ardeydu sheegeen in dadka Uganda ay markii horeba caado u lahaayeen naceybka ajaanibta, qaraxyadii xalyna ay uga sii dareen arintaasi.

Booliska Uganda ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News