Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, July 24, 2010

UNHCR oo ugu baaqday Puntland inay joojiso Tarxiilida dhalinyarada reer Koonfureed

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa baaq ay maanta kasoo saareen xafiikooda magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in hawlgalada lagu tarxiilayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ka socda Puntland ay tahay mid aan habooneyn.

Baaqan ayaa lagu sheegay in tarxiilida iyo qabqabashada dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay ka socdeen todobaadkan gobalada Puntland iyo waliba dalka Kenya, waxaana warbixinta UNHCR lagu sheegay in dadka laga tarxiilay Puntland ay u badan yihiin dhalinyarada da’adoodu u dhaxeyso 18 illaa iyo 25 sano jir.

“…Waxaa cad in ay sare usii kaceyso tarxiilida iyo falalka ka dhanka ah dadka kasoo barokacay koonfurta Soomaaliya….” ayey tiri Melissa Fleming oo u hadashay UNHCR.

Dowlada Puntland ayaa loogu baaqay inay joojiso tarxiiliada dadka soo barokacay, ayadoo hay’ada UNHCR ay sheegtay dhalinyarada kasoo qaxay Koonfurta Soomaaliya, hadii dib loogu cesho koonfurta ay u gacan galayaan kooxaha mintidka ah sida Al Shabaab, oo ay hay’ada UNHCR sheegtay in ay dhalinyarada ku khasbaan dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya.

“….Dowlada Puntland waa inay joojisaa hawlgalkan dadka khasabka lagu celinayo…” ayaa lagu yiri warbixinta maanta kasoo baxday xafiiska UNHCR ee magaalada Geneva.

“…Dadka soo barokacay waxay u baahan yihiin in loo gargaaro isla markaana magangelyo lasiiyo, dadka sida khasabka ah loogu celiyo goobaha ay dagaaladu ka socdaan waa fal aad halis u ah oo khatar gelinaya noloshooda…” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixintan in ciidamada amniga ee dalka Kenya ay ayaguna bilaabeen inay qabqabtaan Soomaalida dalkaasi ku sugan, walow warbixintan lagu xusay in dalka Kenya uusan weli celin dadka Qaxootiga ah ee kaararka qaxootinimo heysta.


Source: Horseedmedia.net

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News