Sunday, July 11, 2010

Spain oo Qaadey Koobka Cayaaraha Adduunka 2010

Kooxda kubadda cagta ee dalka Spain ayaa caawa guul taariikhi oo lama ilaawaan ah u soo hoydey dalka Spain kadib markii cayaaryahanka reer Spian Andres Iniesta uu waqtigii dheeraadka ahayd ee cayaarta lagu daray keenay goolkii guusha ee u xirey xiddigtii u horeysey kooxda dalka Spain.



Qaybtii hore ee cayaarta ayaa ahayd mid ay inta badan kubadda haysteen kooxda dalka Spain, waxaase lagu kala nastey iyada oo aanw ax gool ah la iska dhalin, qaybtii labaad ee caqyaarta ayaa xoogaa dhanka dheelitirnaantu uu ahaa mid aad isugu dhaw, waxaana dalka Netherland soo maray fursado aad qaali ah taas oo uu helay weeraryahanka Neteherland Arjan Robben. Kadib markii ay dhamaatey waqtigii loogu tala galay cayaarta ayaa lagu daray waqti dheeraad ah si ay u kala baxaan, waxaana waqtigii dheeraadka ahaa kubadda mar labaad haysashadeeda la wareegay kooxda dalka Spian iyaga oo heley fursado wanaagsan oo ay goolal ku dhalin kareen.

Cayaarta ayaa u muuqatay mid ku dhamaanaysa in la dhigo rigoorayaasha waxaase taas diidey cayaaryahanka kooxda Barcelona u safta ee Andres Iniesta, goolkaas oo noqdey mid wadne xanuun ku rida cayaaryahanada ka socdey Netherland.

Andres Iniesta ayaa markii uu goolka dhaliyey waxa uu iska bixiyey funaanadiisi waxaana garanka hoose uu ku soo qoray erayo uu ku xusaayo kabtankii hore ee dalka Spian ee wadnuhu istaagey bishii Augost sanadkii 2009 isaga oo ku sugan meel Hotel ah Dani Jarque, Dani iyo Iniesta ayaa ahaa saaxiibo isku dheer inkasta oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ka tirsanaayeen, waxaaana macnaha erayada uu ku soo qortey ay noqonayaan “Dani Jarque markasta waad nala joogtaa”

Dalka Holland waa markii saddexaad oo ay yimaadaan cayaarta kama danbeysta ah isla markaana aysan ku guuleysan in ay qaadaan koobka adduunka, halka dalka Spian ay ahayd markii u horeysey isla markaana ay sameeyeen mid ka mid ah taariikhda waaweyn ee dalkaas buugta u geleysa.

Cayaartan ayaa ahady middii ugu badneyd ee la bixiyo kaararka jaalada ah waxaana kaarka casaanka ah markii danbe loo taagey daafaca dalka Netherland John Heitinga, kadib markii uu galay qaladkii labaad inkasta oo dadka kubadda ka faalooda ay sheegeen in uu istaahiley markii hore in la siiyo kaarka casaanka ah kadib markii uu si ulkac ah laad xabadka uga geluiyey cayaaryahanka kooxda Spain ee Alonso.

Dalka Spian ayaa noqonaya dalka labaad ee laba sano gudahood noqda Horyaalada Wadamada Yurub iyo kan adduunka waxaana horey sidaan oo kale isugu darsaday dalkii sanadkan dabayluhu qaadeen ee Faransiiska.

Dhanka kale waxaa loo doortey in uu ahaa cayaaryahanka ugu cayaarta wanaagsan weeraryahanka Uruguay Diego Forlan, waxaana uu qaatey kubaddii dahabka ahayd, waa cayaaryahnkii u horeeyey ee aan soo gaarin finalka uu hela kubadda dahabka, waxaana uu muujiyey cayaar aad u xiiso badan, waxaana hadda isha ku haya oo jeebkooda u furaya in ay la soo wareegaan naadiyada waaweeyn ee Yurub.

Thomas Muller ee ahaa cayaaryahankii da’da yaraa ee dalka Jarmalaka ayaa isaguna ku guuleystey kabaha dahabka ah ee Adidas ee dhanka goolal dhalinta waxaana uu keensadey 5 gool inkasta oo sadex cayaaryahan oo kale Villa, Sneijder iyo Forland ay goolal intaas le’eg keensadeen ayaa haddana lagu qiimeynayaa sida loo kala hor dhaliyey goolasha.

Si kastaba ha ahaatee dalka Spain oo horumar weyn ka gaarey dhanka naadiyada kubadda cagta, ayaa labadii sano ee u danbeysey adduunka tusey miraha ka soo baxay naadiyada xoogga badan ee dalkaas, waxaana hadda ka socda damaashaad iyo dabaaldeg kaas oo socon doona muddo 7aad ah, dalka Spain oo ay ka taagan tahay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan aad u baahsan ayaa ayaamo ka nasan kara xanuunka dhaqaale xumida, waxaana dalka dhan uu ka siman yahay farxadda iyo damaashaadka.

Midkamid ah cayaaryahanadii waaweynaa ee soo maray dalka Netherland Ruud Gulit ayaa sheegay in kooxda dalkiisu ay aad u nasiib badnaayeen sanadkan, waxaana uu hoosta ka xariiqay goolasha ugu badan ee ay dhaliyeen in ay ahayd goolal ay iska dhaliyeen kooxda ka soo horjeedey, sida kii Denmark, Japan iyo weliba Brazil, sidaas si lamid ah waxaa qabay cayaaryahankii hore Seadrof.

Dhanka kale waxaa guul weyn u soo hoyatay dalka Koonfur Africa oo markii hore aad looga welwelsanaa sida ay u maareyndoonaan cayaaraha adduunka taas oo ahayd markii u horeysey ee qaarada Africa lagu qabto, waxaana waxkasta ku dhamaadeen sidii loo baahnaa inkasta oo ay dhacdey in suxufiyiin iyo cayaaryahano la jeebsiibay ama qalab iyo lacago laga dhacay, taasna aysan ahayn wax weyn marka loo eego qaabka ay u maareeyeen cayaaraha, wax rabshado ahna aysan ka dhicin.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News