Thursday, July 1, 2010

Siilaanyo oo Loo Doortey Madaxweynaha Somaliland

Waxaa fiidnimada caawa lagu dhawaaqay natiijada kasoo baxday doorashooyinkii madaxtinimada ee ka dhacay Somaliland sabtidii aanu soo dhaafnay.



Guddiga doorashooyinka oo Shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay natiijada guud ee doorashada,waxaana ay natiijadu ahayd mid sida tan lagu dhawaaqay;

266,906 taas oo u dhiganta 49.50% codadka la dhiibtey waxaa helay Xisbiga Kulmiye

UDUB: 178,881 taa oo u dhiganta codadka la dhiibtey 33.23% codadka la dhiibtey 

UCID: 92489 taas oo u dhiganta 17.18% codadka la dhiibtey 

Sidaas darteed waxaa doorashooyinka madaxtinimada ee Somaliland ku guuleysatay xisbiga Kulmiye,waxaana Madaxweyne noqonaaya Axmed Maxamed Silaanyo oo ahaa musharaxa u tartamaayay xilka madaxtinimada ee doorashooyinka ee Xisbigaas.waxaana kuxigeenka Madaxweyne noqon doona Cabdiraxmaan Cabdulaahi Shire Saylici.

26-ka Bisha July ee soo socota ayaa lagu wadaa in xilka madaxtinimada Somaliland loo dhaariyo Madaxweynaha cusub oo caawa lagu dhawaaqay ee Axmed Maxamed Silaanyo.

Natiijada codadka ee la soo saarey ayaa ka yar 50%, dadkii is diiwaan geliyey kuwaas oo kor u dhaafayey hal milyan.

Madaxweynaha xilka ka degaaya ee u tartamaayay Xisbiga UDUB Daahir Riyaale Kaahin oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu ogolan doono natiijada kasoo baxda doorashada ee lagu dhawaaqi doono.

Heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen sanadkii la soo dhaafey ayaa dhigaayey in waqtiga madaxweyne rayaale ay ku egtahay bil kadib maalinta doorashada la qabto, taas oo ku beegan 25 Bishan July.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News