Monday, July 5, 2010

Shil gaari oo ay dadi ku geeriyoodeen oo ka dhacay wadada u dhexeysa gobolada Mudug iyo Nugaal

Ugu yaraan 13-qof ayaa ku geeriyootay ku dhowaad 20-kalena waa ay ku dhaawacantay kadib shil gaari oo aad u xanuun badnaa oo ka dhacay wadada isku xirta gobolada Mudug iyo Nugaal ee maamul goboleedka Puntland.


Dhimashada dadkan ayaa timi kadib markii u qalibmay gaarigii ay saarnaayeen oo ahaa nooca xamuulka qaada oo si xowli ah ku socday, iyadoo wadaduna ay si aad ah u burbur sanatahay.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi gaari ayaa dhamaantood la gaarsiiyay isbitalka magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo lagu baxnaaninayo xaaladooda caafimaad.

Shilalka gawaarida ayaa mudooyinkii ugu dambeyay kusoo badanayay wadooyinka gobolada maamul goboleedka Puntland, iyadoo dhowaan uu shil gaari ku dhintay taliyihii ciidamada daraawiishta Puntland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News