Tuesday, July 20, 2010

Sharciga Argagaxisa Puntland oo la meel mariyey.

Golaha Xukuumada Puntland ayaa meel mariyay sharcigii argagaxisada oo dhawaan ay horgeeyeen golaha Xukuumada Puntland kaa oo ay horay golaha Xukuumada u ansixiyeen.



Mudanayaasha Golaha baarlamaanka ee Dowlada Puntland ayaa kulankii ay shalay iskugu yimaadeen waxaa ay uga doodeen in la sameeyo maxkamada u gaar ah dadka lagu hello wax loogu yeero argagixisada maxkamadaas oo ay horay iskugu raaceen golaha xukuumada.Puntland.

Arintaan aaya Golaha Wakiilada Puntland isku raaceen in Sharcigaan kla meel mariyo inkastoo maalintii hore Golaha arimahaa u xil saaran ka doodeen iyana dabadeena Golaha intooda kale u soo gudbiyeen.

Golaha wakiilada ayaa waxaa ay ay bilaabeen in ay dib u eegaan sharciga u yaal Argagaxiisada si ay u meel mariyaan ama u diidaan , waxaana maalintii shalay ku guulaysteen in hab gacan taag ah u ansixiyaan.

Sharcigaan argagaxisada ayaa ah mid dhawaan Golaha Xukuumada meel amriyeen hasayeeshee waa mid ku cusub Puntland marka la eego intii Puntland aas aasneed waxaana la filayaa in Golaha Wakiilada marka ay meel mariyaan in uu dhaqan galo.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu dhaqan galo sharicigaan aragagaxisada oo iyo shruucda kale ee tahriibta iyo Burcad badeeda oo iyana la hor geeyay Golaha WAkiilada Puntland markii ugu horaysay

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News