Sunday, July 18, 2010

Sarkaal ka tirsan Hey’ada Mine Action oo goordhow laga aftuubtay duleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Hey,ada Mine Action ayaa lagu soo waramayaa in kooxo hubeeysan ay ka aftuubteen deegaanka 13 uu dulkeedka magaalada Muqdisho, iyadoona aanan la ogeeyn halka lala aadey sarkaalka ah oo ahaa muwaadin Soomaali ah.

Saraakiil kale oo ka tirsan Hey’ada Mine Action oo xaqiijiyey Aftuubka sarkaalka ayaa waxa y tilmaameen in sarkaalka oo lagu magacaabay Saciid Macalin Bashiir duhurnimadii mantana kooxo hubeeysan oo ka mid ah xoogaga Islaamiyiinta ay aftuubteen sarkaalka iyo gaari uu saarna hasa haatee waxa ay soo fasaxeen koxaha hubeeysan Gaariga iyo darawalkii sargaalka waday.

Waxa kale oo ay shegeen Sarakiisha Hey’ada in Saciid Macalin Bashiir oo ka mid ahaa saraakiisha Hey’ada oo maanta la aftuubtay in uu ka howl galyey Xafiiska Hey,ada ay ku lee dahay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan Ururka Xisbul Islaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in aftuubka sarkaalka ay ka danbeeyaan Al Shabaab maadaama Al Shabaab horay ay dalka Soomaaliya uga mamnuuceen hey,ada Mine Action iyo hey’ado kale oo ka mid ah laamaha qaramada Midoobay.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News